Xeerbeegti Go'aamisay In Trump Dacwad Lagu Soo Oogo
Xeer-beegti Maraykan ah
oo ku sugan gobolka New York ayaa u codeeyey in dacwad lagu soo oogo
madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, iyada oo loo haysto eedo
la xidhiidha, inuu lacago siiyay gabadh lagu magcaabo Stormy Daniels, intii
lagu guda-jiray ololihiisii doorashada madaxtinimada ee sannadkii 2016, sida ay
ku warameen warbaahin kala duwan oo Maraykan ahi.
Go'aanka xeerbeegtida
oo aad loo sugayey ayaa ku soo aadaya, iyada oo madaxweynaha hore ee Trump uu
doonayo inuu markale u tartamo Aqalka Cad, ka dib markii uu guuldaraystay
doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020.
Tallaabadan ayaa
noqonaysa, markii ugu horraysay ee dacwad lagu soo oogo madaxweyne hore ama
xataa musharax madaxweyne.
Illaa hadda ma cadda
dembiyada lagu soo oogay Trump, maadaama uu weli xidhan galka ay ku jiraan
dacwaddiisu oo aan la furin.
Hase ahaatee eedaha loo
haysto ayaa ka soo baxay, baadhitaankii xeer ilaaliyaha degmada Manhattan ee ku
saabsanayd bixinta lacag gaadhaysay $130,000 oo uu qareenkii Trump ee wakhtigaasi
oo ahaa Michael Cohen uu siiyey Stormy Daniels, si uu u aamusiiyo oo aanay uga
hadlin, xidhiidhkii hoose ee dhexmaray iyada iyo Trump.
Cohen ayaa sheegay inuu
lacagtaas u bixiyey si sir ah, isla markaana uu raacayey amarka Trump, isla
markaana ay mardambe Shirkadda Trump dib u siisay lacagta iyaga oo ku magcaabay
"adeegyo Sharci".
Inkasta oo aanay
sharci-darro ahayn lacag bixintaasi, haddana dacwad oogayaasha federaaliga ah
ayaa waxay dembi u arkaan habka lacag bixinta oo ahayd mid jebinaysa sharciyada
maaliyadda ololaha ee federaalka.
Garyaqaankii hore ee
Trump ee Cohen ayaa sannadkii 2018 wuxuu qirtay dembiyo badan oo lagu soo oogay
oo ay ku jiraan, ku xadgudubka dhaqaalaha ololaha, ka dibna wuxuu xabsiga ku
soo qaatay in ka badan hal sano.
Marka loo eego
sharciyada gobolka New York, been abuurka diiwaannada ganacsigu caadi ahaan waa
khalad, hase ahaatee marka loo sameeyo iyada oo la doonayo in la qariyo ama
lagu kaco dembi kale, waxay noqotaa dembi lagu mudan karo ciqaab gaadhaysa
illaa afar sano oo xadhig ah.
Afhayeen u hadlay
xafiiska xeer ilaalinta ee degmada oo wax laga weydiiyey arrintan ayaan isagu
ka gaabsaday.
Cohen, oo isagu ka hor
markhaati furay xeerbeegtida baadhaysa kiiska lacag-bixinta, ayaa bayaan uu soo
saaray ku xaqiijiyey dacwadda Trump.
Trump ayaa isagu
sheegay inaanu wax khalad ah samaynin, marka laga hadlayo dacwaddan loo haysto.
War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu eedaha lagu soo oogay ku macneeyey inay
yihiin "cadaadis siyaasadeed iyo faragelin doorasho oo ah heerkii ugu
sarreeyey ee taariikhda soo marta".
VOA