Madaxa Midowga Yurub Oo Ka Digtay Saameynta Shiinaha Ee Dunida

0
Friday March 31, 2023 - 07:32:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa Midowga Yurub Oo Ka Digtay Saameynta Shiinaha Ee Dunida

    "Von der Leyen, ayaa sheegtay inaysan danta Yurub ku jirin in la macaamilka Shiinaha la joojiyo."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Von der Leyen, ayaa sheegtay inaysan danta Yurub ku jirin in la macaamilka Shiinaha la joojiyo."

 



 

Madaxa Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa ka digtay in Xisbiga Shuuciga ee haya talada dalka Shiinaha, uu doonayo inuu beddelo nidaamka caalamiga ah, si uu Shiinaha u noqdo hormuud.

 

Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayay ku sheegtay in maamulka Beijing uu ka guurayo waayihii maamulka uu ugu yeeray 'dib u habaynta iyo fur furitaanka', iyadoo uu u guuray mid 'amni iyo xakamayn'.

 

Von der Leyen, ayaa sheegtay inaysan danta Yurub ku jirin in la macaamilka Shiinaha la joojiyo.

 

Laakiin waxay sheegtay inay tahay in aragti cad laga qaadato waxyaabaha khataraha leh ee uu xiriirku leeyahay, oo ay qaaddo tillaabooyin -- oo ay ku jiraan kuwa diblomaasiyadeed -- si loo yareeyo khataraha jira.

 

Xiisadaha ay iftiimisay, ayaa waxaa ka mid ah Ukraine, Taiwan, xuquuqda aadanaha, wareejinta tignoolajiyada iyo ku tiirsanaanta warshadaha dhanka Shiinaha.

 

Meelaha iskaashiga faa'iidada leh, ayaa waxaa ka mid ah isbeddelka cimilada, ilaalinta deegaanka iyo noolaha ku dhex jira, iyo ganacsiga tirada badan ee lala leeyahay Shiinaha.

 

BBC


Loading...
Loading...