Masaasada Iyo Naasnuujinta

0
Saturday June 22, 2019 - 09:29:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masaasada Iyo Naasnuujinta

    ilmaha yar caafimaadkiisa caqligiisa keeba u fiican in la siiyo nuujiyo naaska hooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ilmaha yar caafimaadkiisa caqligiisa keeba u fiican in la siiyo nuujiyo naaska hooyada

iyo maasasada caaga ah ama quraarada ah iyo 

caanaha samayska ah milk bowders

Sida allah ku sheegay quraanka kariimka      Caanaha naaska hooyada lama ag dhigi karo caanaha samayska ah caqliyan caafimaad jidhba  waa in la dhiiri galiyaa naas nuujinta hooyada iyo dhalaanka        Korodhka tirada dadka ugu badan ee labada dawladood ee aduunka  chine india wuxuu sahlay in ay sifo khaldan uga faaidaystaan soo saarista caano cuntooyin daawooyin sharaab aan lahayn wax tayo ah   caafimaad ama caano copy ah

Xayaysiiska  caanaha samayska ah  oo aan loo baahnayn in la dhiiri galiyo  idaacadaha dalka  halka caafimaad ahaan ay ka  haboontahay in la dhiiri galiyo  naasnuujinta oo ka faaido tayo caafimaad maskax jidh dhis difaac ilmaha   ilmaha siinta caanaha samayska ah oo la ogaaday in aanay u fiicnayn ilmaha yar  fayaqabkiisa  kuwaas oo ku keeni kara cuduro  halis ah madaama aan la hubin tayadooda caafimaad caanaha samayska ah

caanaha   milk bowder  caanaha dalka somaalia  iman jiray waxay ahaayeen  caano laba nooc oo kaliya coast nido  halka manta ay kor u dhaafeen 404 nooc oo caano ka kala yimaada aduunka caanahaas coasta nido waxay ka iman jireen dawlado aynu la leenahay heshiis ganacsi oo la hubo tayada caanaha ay soo dirayaan  caanahas waxay ahaayeen caano  toos looga soo lisay neefka lo ada  halka caanaha aduunka inooga yimaada lagu soo adkeeyo nooc ka mida jaandiga samayskooda caafimaad

Waa in dawlada dalku si fiican ula socdaan caanaha cuntooyinka food stuf ration  sharaabka daawoyinka dalka  dibada uga yimaada  si loola socdo hubinta isticmaal ee  badeecadahaas dekadaha suuqyada  ganacsi

Dalkii hore ee somaaliya waxa iman jiray 2nooc caano milk bowders oo  ku iman jiray nidaamsharci ganacsi laba dawladood oo si saxa loola socdo tayadooda caafimaad  iyo maadooyinka ay ka kooban yahiin oo ahaa international stander index

Waxa soo raaci jirey caano cartons ku iman jiray oo la odhan jiray caano bodhe caanahas oo inta badan ahaa caanaha  hayadaha sida qaxootiyada

 

Maxaa caanaha loogu soo qori waayey magaca ganacsiga company caanaha  ee had iyo goor loogu soo qoraa magacyada haweenka soomaalida  jawaabtu waxay u egtahay  kalsooni la an company caanaha soo saaray oo aan lahayn shuruuc company caalamiya oo si fiican looga ogyahay suuqyada ganacsiga caalamka ta kale waxay noqon kartaa suuq galin ganacsi oo  laga raadinaayo haweenka qoysaska  oo ka masuul ah daryeelka caruurta qoyska iyo quudintooda  dhalaanka si iib fiican loogu helo caanahaas

Caanaha hada dalka yimaada oo aad u badan ganacsigooda hadana inta badan  caanaha saxa waxa ay ka yimaadan dalalka imaaradka oo booyado aad u waawayn ay ka keenan dalka newseland holand etc  dalalka imaaradka ayaa dib loogu soo qasacadeeya inkasta oo caano badan oo aan lahayn la socod tixraac caafimaad laga keeno dalka chine caanahas oo inta badan ah copy madaama aanu dalkeenu lahayn qalabkii lagula soconaayey  noocyada badeecada kasoo degaya dekedaha  dalka ama airport

Waqtigii dawladii hore ee soomalia  ganacsigu wuu xadidnaa inta badan  waxa uu ahaa ganacsi ku yimaada laba dawladeed  oo lala socdo noocyada tayadiisa caafimaad ma jirin ganacsigan hada jira ee ganacsade kasta uu keenayo dalka cunto xaaran iyo xalaal waxay tahay  ta kaliya ee ay hada ganacsatadu ka door bidaan danta  caafimadka  bulshadooda waa macash  raadin degdega ah

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...