Waa Kuma Safiirka Cusub Ee Uu Mareykanka U Soo Magacaabay Soomaaliya?
Madaxweynaha
Mareykanka, Joe Biden ayaa Richard H. Riley u soo magaacabay safiirka cusub ee
Washington u fadhin doona magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war qoraal ah
oo kasoo baxay Aqalka Cad.
Safiirkan ayaa xilka si
rasmi ah ula wareegi doonaa marka uu waraaqaha aqoonsiga ka gudddoomo
madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo aan la sheegin xilligga
uu shaqadan si buuxda ugu wareegi doono.
Haddaba waa kuma?
Richard H. Riley, wuxuu
haatan ka shaqeeyaa safaaradda Mareykanka ee Canada, halkaas oo uu ka yahay la
taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safiirka.
Horey wuxuu u soo
noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada
Peshawar ee waddanka Pakistan.
Wuxuu sidoo kale xilal
sare ka soo qabtay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay dalal dhowr ah. Mar
wuxuu safaaradda Mareykanka ee Norway ka ahaa ku simaha safiirka iyo ku
xigeenka arrimaha howlgalka ee safaaradda Oslo.
Richard H. Riley waxa
uu safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan
kasoo qabtay xilka ku xigeenka howlgalka ee safaaradda.
Waa nin si weyn uga
dhex muuqday arrimaha diblumaasiyadda Mareykanka,
Waxaa sidoo kale
xilalkii uu soo qabtay:
Ku xigeenka guud ee arrimaha
howlgalka safaraadda Mareykanka ee magaalada Sanca ee waddanka Yemen.
Wuxuu ka mid ahaa
saraakiil hoggaamineysay koox gaar ah oo Mareyknaka u qaabilsaneyd dib u dhiska
gobolka Nangahar ee dalka Afghanistan.
Wuxuu soo noqday
Agaasime ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha
Masar iyo dhulka Shaam.
Safaaradda Mareykanka
ee Baqdaad wuxuu mar kasoo noqday madaxa isku duwidda arrimaha dimuqraadiyadda
iyo xuquuqul insaanka.
Richard H. Rile,
safiirka cusub ee loo magacaabay Soomaaliya wuxuu sidoo kale kasoo shaqeeyay
dalal dhowr oo ay kamid yihiin, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Jamaiga.
Wuxuu shahaadada labaad
ee jaamacadda uu ka heystaa jaamacadda Harvard gaar ahaan qeybta ganacsiga,
sidoo kale shahaadada labaad wuxuu ka qaatay jaamacadda National Defense isagoo
ku takhasusay culuumta istaraatiijiyadda amniga caalamka.
Richard H. Rile, wuxuu
bartay luqadaha Pashto, Carabi, Ruushka, Faransiiska iyo luuqadda Mandarin ee
looga hadlo dalka Shiinaha.
Safiirka haatan
Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Larry E. André, Jr. wuxuu horey
safiir uga soo noqday dalal uu ka mid yahay Jabuuti.
Safiirka Soomaaliya ee
haatan wuxuu shaley sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday
madaxbanaanida ee Somaliland in uu awood u leeyahay in ciidamadiisa uu dib uga
soo celiyo magaalada Laascaanood isla markaana uu shaacin karo qorshe ku
saabsan doorashooyinka Somaliland, sida ku xusan qoraal uu soo dhigay barta
Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Danjiraha shaqada ka
tagaya, Larry Edward waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya bishii April ee
sanadkii 2021-kii. Horay wuxuu xilka kala wareegay Donald Yamamoto oo
Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo bishii July ee sanadkii 2018-kii.