Filim Ay Rani Jishay Oo Muran Ka Dhex Abuuray Laba Dal

0
Friday March 31, 2023 - 07:15:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Filim Ay Rani Jishay Oo Muran Ka Dhex Abuuray Laba Dal

    "waxaa filimka lagu muujiyey in kala duwanaanshaha dhaqanka uu ahaa waxa dhacdada sababay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaa filimka lagu muujiyey in kala duwanaanshaha dhaqanka uu ahaa waxa dhacdada sababay"



 

Muran cusub ayaa soo baxay oo ku saabsan filimka ‘Mrs Chatterjee vs Norway’ kaas oo ka soo baxay Hindiya 17kii bishan Dhammaadka ah ee Maarso.

 

Isku dhac dhanka dhaqanka ah ayaa ka dhex dilaacay labada dal ee Hindiya iyo Norway oo ku saabsan filimkan.

 

Atariishada caanka ah ee u dhalatay dalka Hindiya Rani Mukherji ayaa jishay filim Bollywood ah. Filimku wuxuu ku saleysan yahay sheeko dhab ah oo lamaane Hindi ah ku qabsatay dalka Norway abaare 12 sano ka hore.

 

Safiirka Norway u fadhiya dalka Hindiya Hans Jacob Freudenland ayaa qormo uu ku qoray joornaal ku sheegay in qaladaad badan oo ku saabsan Norway lagu sheegay filinka waxa lagu muujiyeyna ay guud ahaanba yihiin kuwa been abuur ah.

 

Waxa uu ku dhejiyey qaybta hore ee boggiisa Twitter qormada oo la sameeyay 17-kii Maarso.

 

Dhanka kale Sagarika Chakraborty oo ah haweenayda filimku ku saabsan yahay ayaa ku doodeysa in dawladda Norway aanay run ka sheegain arrinka isla markaana ay dhacdada ka fidinayso warar been abuur ah ilaa iyo haatan.

 

Siday wax u dheceen?

Qiyaastii 12 sano ka hore, Waaxda Arrimaha Caruurta ee dalka Norway (NCWS) ayaa Sagarika Chakratborty ka qaadatay laba caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo ku noolaa magaalada Stavanga ee dalkaasi Norway.

 

Ka dib faro gelin diblomaasiyadeed oo dalwadda Hindiya samaysay iyo maxkamadeynta dheer ee maxkamadda Norway, caruurta waxaa loo celiyey qoyskooda, waxaana Hindiya ku korsatay hooyadood Sagarika Chakraborty.

 

Sagarika ayaa sheegaty in ilaa iyo hadda aanay dawladda Norway muujinin wax damqasha ah oo ku aaddan caruurteeda ay ka qaateen.

 

Intaas ka dib, sheekadan ayaa ciwaanada wararka qabsatay gudaha Hindiya dhowr bilood. Waxaa xilligaas sidoo kale xanaaq badan muujiyey dadka caadiga ah ee Hindiya.

 

Arrintan ayaa gaadhay tan iyo baarlamaanka Hindiya. Wasiirkii arrimaha dibadda ee xilligaas SM Krishna ayaa sidoo kale bayaan arrinkan ku sabsan ka hor akhriyey baarlamaanka.

 

Hadda oo sanado badan kasoo wareegeen, filimka lagu saleeyay dhacdadan ayaa sababay isku dhac cusub oo ku saabsan dhacadaas. Balse iska hor imaadkan ayaa markan ku saabsan dhaqanka ee aanan ahayn mid diblomaasiyadeed sidii markii hore.

 

Ka dib markii filimka la sii daayey, safiirka Norway u fadhiya Hindiya ayaa sharaxay in korinta caruurta ee Norway ay ka duwan tahay tan Hindiya, balse ay ku saleysan tahay dareen bini aadannimo, ama wax farqi ah aanay u dhaxaynin dhaqan marka la eego jaceylka hooyo.

 

Waxa uu ku sheegay qormadiisa in filimka 'Mrs Chatterjee vs Norway' in lagusoo bandhigay in caruurta looga qaatay hooyadood quudinta ay gacanta ku quudinaysay ama la seexashada waalidka iyo caruurtu hal sariir ku wada seexdaan oo lagu muujiyey filimka.

 

Freuddenland ayaa qoray, "waxaa filimka lagu muujiyey in kala duwanaanshaha dhaqanka uu ahaa waxa dhacdada sababay. Tani gebi ahaanba waa been abuur. Ma doonayo inaan xogta dhacdadan usii dhaadhoco balse waxaan doonayaa inaan caddeeyo in aan qofna Norway dhexdeeda ilmaha looga qaadaneynin gacanta oo lagu quudiyo ama sariirta oo lal seexdo ilmaha amaba laabta oo la geliyo.”

 

Wuxuu qoray, "sidoo kale caruurteyda sariirta korkeeda ayaan ugu sheekayn jiray xilliga jiifka, waanan daneyn jiray aniga oo laabta gelinaya waxayna sidoo kale nagula seexan jireen sariirtayada.”

 

Freudenland ayaa sheegay in xitaa haddii waalidku ilmihiisa dhabanka ka dharbaaxo (si joogta ah) sabab dooniba ha noqotee aan laga qaadeynin sababtan awgeed. Xaaladahan oo kale daryeelka caruurtu waxay ku caawinayaan waalidka waano. Waxa uuna muujiyey inuu rajeynayo in aanu filimkan ka niyad jabin hindida doonaya inay Norway booqdaan.

 

BBC


Loading...
Loading...