Dagaalka Ukrainia isbedelka uu qaarada Europe ku keenay.

0
Thursday March 30, 2023 - 12:52:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Ukrainia isbedelka uu qaarada Europe ku keenay.

    Qaaradii Europe ee xooga weynayd oo gashay mugdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaaradii Europe ee xooga weynayd oo gashay mugdi



Sanad ayaa ka soo wareegay dagaalkii Ukrainia iyo Russia intii uu socday . Sanadkaa oo isbedelo waaweyni ay ka dhaceen Europe iyo caalamka intiisa kale.


Dalalka Europe oo dhan ayuu dagaalkii noloshooda saameeyay oo dhibaatooyin ku soo kordhiyay iyo caalamka oo dhan , dhinaca raashinka iyo sicir bararka iyo shidaalka oo cirka isku shareeray .



Europe oo dhaqaala xumo ku soo socoto ( haysatona iminka) iyo dadka USA oo hogaaminaaya dagaalka oo faa'iido ku qaba , colaad dagaalka iyo kala fogaansho ku yimi xidhiidhkii Europe iyo Russia iyo dhaqaalihiisa oo sare u kacay oo shidaal kiisii suuq uu helay balaadhan.


Qaaradii Europe ee xooga weynayd oo gashay mugdi iyo in ay hubkeeda qorshe la'aan u furtay ka qeyb qaadashada dagaalka.


Europe oo weliba u baahan shidaalka Russia oo aan ka maarmi karayn .

Dhul gariir siyaasadeed ayaa Europe oo dhan ka socda , hadaba caqabadaha iyo dhibaatooyin ka la soo dersi doona Europe waa maxay ? Ee ay ka baqanaysaa?


Werwer iyo xasilooni daro ayay ka baqanaysaa qaarada Europe in uu ka dhaco ,oo dagaalku ku soo fido.

Europe oo aan filanayn in uu dagaalku dhaco oo si lama filaan ahayd u dhacay .


Europe iyo USA waxay taakulayn iyo hub ugu deeqeen oo ku daldalayaan Ukrainia.

Xidhiidhkii Europe iyo Russia aad buu u xumaaday , meel aanu weligii gaadhin ayuu gaadhay.

Dalalka qaarkood (Europe) waxay galeen ( state of emergenc) xaalad dagaal .


Markii ugu horeysay ayaa malaayiin qaxootiya Europe dhexdeeda ka dhacday , ( dagaalkii 2-aad kadib) .

Europe (dalalka reer galbeedka) waxa ka socda tartan hubka ah iyo ciidamo balaadhan in ay sameystaan oo ay difaaci karaan dalkooda.


Kumanyaal Malaayiin ayay ciidanka miisaaniyadiisa u qoondeeyeen iyo hub badan oo ay dalka USA ay ka iibsadeen . ( sida dalka Germany oo kale ) .


Europe oo aan garanayn meesha iyo goorta iyo sida uu u dhamaan doono dagaalkanu.

Oo aan qorshe ka lahayn , gacanta waxba ugu jirin iyo talo toona.


Dagaal aanay ogayn oo ku talo gelin ayaa gundahooda iyo deriskooda ka socda.

Europe jaah Wareer ayay gashay , markii uu dalka Russia uu ka jaray shidaalkii ay ka qaadan jirtay .

Sanad qudha ayaa ka soo wareegay intii uu dagaalku socday ,


Hadaba maxay yeeli doontaa dalalka Europe hadii dagaalku dheeraado oo weliba dalka Russia uu soo weeraro qaar ka mid ah


oo uu dalka USA gacan iyo difaac siin waayo oo uu hubka ka joojiyo ?

Europe ma iska difaaci karaysaa dalka Russia?


Noloshii dalalka Europe mugdi iyo werwer ayay gashay iyo siyaasad xumo iyo siyaasiyiin aan aqoon lahayn oo aan go'aan lahayn oo la hogaaminaayo .


Europe xal Bay u baahan tahay iyo cid ka saarta dhibaatada ay gashay ?

 

 

Cali Maxamed Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...