Bisad Minan-keeddii joogtaa, Miciyo Abeeso Bay Leedahay ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday March 30, 2023 - 12:25:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Bisad Minan-keeddii joogtaa, Miciyo Abeeso Bay Leedahay ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Dhubuq-Dhubuq Hore, Dhabana Hays Dambay Leedahay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Dhubuq-Dhubuq Hore, Dhabana Hays Dambay Leedahay!


Geeri baa la weydiiyey, horta maxaad tartaa ama faa'iido aad leedahay? Waxay tidhi " Marka nin talladda looga dambeeyaa, meesha ka baxo, baan halkiisii ku bedelaa mid madhan, sidda askarigan aan ka lagu guuro qabin. Waxana aan ka aqoon diin,dad dhul-kooddii ku haysata. Sideed-ba wax uu Illaahay kitaab-kiisa quraanka ah inoogu sheegay, oo uu yidhi " Haddii lagugu soo doonto, Naf-taadda, Guri-gaaga, Maal-kaaga, Ubad-kaaga Xaas-kaaga, waa in aad si walba u difaacdaa, oo aad ku dhimataa xataa haddii aad ku naf waayeyso, waa in aanad wax-ba ula hadhin ee aad jihaad ka gashaa. 


Quruumaha aduunka ka dhisani iyana waxay samaysteen sharci sheegaaya in aan qof-na loo dhaafin dhul'kiisa, hanti-diisa, ubad-kiisa iyo xaas-kiisa,haddii loogu yimaadana uu nafta dul dhigo, waxana ay ka dhigteen sharci, kaas oo ay ku qeexeen Qofka bani'aadamka ah xad aan looga soo gudbi karin in uu jiro4. Akhristaw xataa Xayawaanka baa ka dagaalamaaya oo aan yeelayn arimaha noocaas ah, iskaba daa dad lagula kaco'e. 

Sidaas oo ay tahay, Maamumlka ku jira "Guriggii Moorgan" Ee la yidhaaho " Xaafad-Tooyadda" Waa halka ay ka shimbiro-waaqleeyaan " Labadda askari iyo Digsi-Xagatadda ay ku adeeg-taane" Reer dhan bay doonayaan in ay guri-goodda ku xukumaan. Waayo kuma jirto Xeer Diinta Islaamku leedahay iyo mid Gaal-tooona wax sidaas u shaqeeya, ee xaal-koodu waa khasab waxan doono ku soco, ilayn, meela uma ay soo marin maamul iyo wax ku leg leh mid-koodna, ee waxay ku socdaan " Xaal askari ah " Digtoonaw iyo dib u jeeso" Taasina caqli baanay lahayne mid socota maaha wakhtigan ee naf-toodda bay been u sheegeen.

Maah-maah baa waxay tidhaah-daa " Bisad Minan-Keeddii Joogtaa, Miciyo Abeeso Bay Leedahaye" Labadda Askari ee mid-na aan lagu soo dhawaani, waxay is tuseen in ay maah-maah-daas beenin karaan, oo waa kuwa dagaal ku qaaday, laakiin-se dhulbahante wuxu ula soo baxay " Miciyihii Abeesadda" Sidda ay sheegayso micnaha ku duugan maah-maah-dda sare ku taal, waxay-na birta ka asleen deydey-ggii, ciidan ku sheega ahaa ee ay Sool geeyeen. 

Weligood-ba run ma sheegaan, oo waa caada-doodda ee ceeb-tood maaha dafiraaduye. Waxa xaqiiq ah in loo jilib dhigay, oo ay ku dhamaadeen wixii ay meesha geeyeen, kuna jabeen,laga laayey ugu yaraan 3500-4000 inta u dhaxaysa oo ciidan ku sheeg ah, weliba ay ku jiraan ilaa 30 sarkaal oo lagaga dilay, kii meesha haystay ee "Nuux Mijo Baasto" Isna waa ka yaala " Dhakhtarka Jabuuti" Isaga oo Geeri iyo Nolol u dhexeeya, si xuna ugu soo dhaawacmay markii dhexdda loo galay, isaga oo ka yimi " Maraaga" Oo ku Socdda " Gooja-Cade". Ummad yahay horaa loo yidhi " Nin is waalaba, waabiyaa hella". 

Labaddii Askari ee xoogga is biday, haday leeyihiin maxaa idiin geeyey sool iyo dhulbagante, Allaw yaa mar uun idinka saara. Waxay murti kale ahayd " Dhubuq-Dhubuq Hore, Dhabana Hays Dambe Bay Leedahay" Tii baa maanta haysata oo qar iska xoorkii socon waa, welin beentii iyo cuqdaddii ay ku Korean labadda askari, iyo maamul-koodda ay ku talaaleen baa hadeer ku jiq ah. 


Ummad yahay haw fadhyina in uu Reerkii Harti dib u soo noqdo, Illaa iyo inta uu meesha ka baxaayo " Maamulka Labadda Askari" Samaroona Way kacsan tahayoo mawjad xood leh baa ka soo socota. Xalka keliya ee lagu soo celin karaa Harti Waa askarta oo tagta, ka dib-na ay ummadu isu timaado, la wadda hadllo, oo wax loo dhan yahay ku heshiiyaan, ka bacdina ciday doonayaan wadda jir loogu dhiibo, wax aan sidaas ahayn Somaliland ku soo noqonaysa, kii sugaayayaw waa kuu nacasnimo, ee ku soco waynu eegnaaye.

Waxa hore loo yidhi " Somalidu been way sheegtaa, ee been ma maah-maahdo" Tusaalaha lagu siin karaa, ee ah beenaale ugu weyn caalamka dushiisa,maaha mid is qarin kara ama la dedi karo, ka is yidhaaha qarina, waa qof yidhi "Cadceedda baan sacab ku qarinayaa. 

Qof-kaas sidaas beenta ugu soo caan baxay,maaha mid la idiin sheegaayo, ee waad iska wadda garanay-saan waayo ruuxii in uun dareen lihi,markiiba wuu soo saarayaa in uu yahay ruuxaasi " Raggii ma adiga ka hadhay Iyo Geenyo-shaaximan" Hadaad akhristaw sidaas dafirsan-tahay,is weyddii adigu inta jeer ee uu heshiis la galay, Caalamka, Mucaaridka, Siyaasiyiin Madax-Banaan, Madax-dhaqmeedka, Culumadda, Ganacsatadda, Komishanka iyo qaar ka mid ah bulshadda rayidka ah, oo intiiba uu kaga baxay. 

Bal ii sheega mar qudha oo uu kaga dhabeeyey, balan uu qaaday isaga Geenyo-Shaaximani, ma jirto oo soo heli-maysid xataa kuwa ay ku sii adeeg-taan, ee la yidhaaho "Golaha Jaariyadaha Labadda Askari", Malaha wuxuu ku magacaaba " Golaha Wasiiro Ku Sheega" Ogaw oo ma jiraan waxay fulin karaan haba-yaraatee, ilaa uu amar siiyo,xaal-kooduna yahay " Shimbira-yahaw heesa, halkan soo fadhiista, hees wanaagsan qaadda". Waxan ku soo af-jaray maqaalkan, maamulka " Xaafad-tooyadda" si wacan baa itaal-kooddii loo tusay, ee xaarka ha isku xejiyeen.


* N.B Dhubuq-Dhubuq Hore, Dhabana Hays Dambay Leedahay!

Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...