Sheekadii Kabo Calaf Qaybtii 3aad

0
Thursday March 30, 2023 - 12:23:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekadii Kabo Calaf Qaybtii 3aad

    Ninka loo gol-leeyahay isagaa isgarankara.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninka loo gol-leeyahay isagaa isgarankara.



Wuu Yara aamusay oo sidurugsan u eegay halkii ay inantu bidhaanta beesha ku sheegtay. Haddana wuu eegay intuu labada suul ku cidhbo taagsaday markii ay indhihiisu wax aragti ama bidhaan gaadhiwaayeen ayuu fekeray, hoosna uhogtay oo hadana fekeray, aamus yar, af dhabaandhow, iyo lix indhood oo is kusoo mutuxan.



Ninka inanta lasoo baxay ee xusajada lagu guud furay wuu ka dheeryahay Habdhis ahaan Kabocalaf iyo inanta bidhaanta Arkaysabaas taas oo iyana imtixaankale ah.


Aakhirkii dambe markii uu ogaadey in kubaddii looga baxay ayuu ku tiraabay weedho geed guudkiis saaran oo samada kasoo deldelan " Beesha dhan ee anigoo labadiinaba idinka madax taagani arki waayey ee gabadhani bidhaanteeda sheegayso, bal kabocalafow wax Nala tus, waxna noo laabane adiga Makuu muuqataa".


Kadaryoo dibi dhal...

Inantii Candhuuf bay Dib uliqday, Kabocalaf laftiisu aqoonsay in saaxiibkii Xero ka waydaartay, oo uu geeriyaad jafayo, lafna cadna toobin ku hayo.


Hayeeshee waa inuu kabocalaf libinta ku geeraaraa guushana dhamaystiraa.


Kabocalaf " Inantu bidhaanta ay sheegaysaa waa Haadda ama Tukahaas cirka heehaabaya, Haddii haad la arkona beelbaa ka dhow meeshaas sidaas ayayna inantu ujeedaa". Sideedaba Meel haad joogo rag ama ruux ka eeg


Xaajadu wayka dhabaqsantahay labadii lammaane ee iniinta cishqiga biqlinteeda banaanada usoo guuro bahaleeyey. Cabaar markii hore looyara socday ayay mudh kusoo odhanayaan bidhaantii geela, kadibna lo'da, adhiga,maqasha, aqaladii iyo muuqii dadka.


Waa marag madoon inuu rumoobay hadalkii inantu.


Durbadiiba sumada geela ayay fiiriyeen wayna garteen in beeshu tahay middii ay soo tamadiyeen.


Kabocalaf " waa geelii reer hebel weliba waxa baadisoocdaas iskaleh ba' Ceebla' oo sadexbaanu Kala tirsanaa isagoo ujeedkiisu yahay inuu inanta baro in jeesaska loosoo galay yihiin kuwii ay usocdeen iyo Tolkii.


labada barbabaar ee wada daadihinaya ama gelbinaya inanta gashaantida ah ee timaha tidcan ee marada baftada ah ee sadex qeyda ahi Dabo iyo hareero hooshaarayso "Way lasoo baxeen". Waa dareenkii degmadu Isla dhexmartay markiiba yar iyo weyn, Caruur iyo Cirroole, Garre iyo guntane,rag iyo dumarba...


Ceeebiba waata soo socota


Ilasoco qaybta 4aad Insha alah


Qore: Faarah Mohamed Aided

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...