Madaxweynaha Jabuuti oo diiday su'aal uu Wargeysi caalami ahi ka waydiiyay aqoonsiga Somaliland

0
Thursday March 30, 2023 - 12:08:54 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jabuuti oo diiday su'aal uu Wargeysi caalami ahi ka waydiiyay aqoonsiga Somaliland

    Madaxda gobolkaan waa saaxiibo, waxaana la leenahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda gobolkaan waa saaxiibo, waxaana la leenahay



Madaxwayne Geele oo Wargayska Jeune afrique oo kusoo baxa luuqada Faransiisku uu waydiiyay in Jabuuti ay Somaliland aqoon sanayso ayaa sidan yidhi


 

Su’aal:- Somaliland oo deriskiina ah, waxay Soomaaliya ka go’day laba iyo soddon sannadood ka hor. Ilaa hadda ma jirto cid aqoonsan madax-banaanideeda. Ma qorsheyneysaa inaad tan sameyso?



 

Jawaab:- "Anaga ayaa noqon doona kuwa ugu dambeeya ee sidaas sameeya! Maxaad u rabtaa inaad dhibaatooyin kale noogu abuurto annaga?


 

Madaxda gobolkaan waa saaxiibo, waxaana la leenahay xidhiidh nabadeed, sida kuwa aan la leenahay dowladda Soomaaliya.


 

Iyada oo ay taasi ku kala duwan yihiin in Soomaaliya ay tahay dal federaal ah, oo aan ixtiraamno madax-bannaanida dhuleed.”

Loading...
Loading...