Ma isweydisay weli, faa'idada Timirtu jidhkaaga u leedahay?

0
Thursday March 30, 2023 - 12:05:12 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma isweydisay weli, faa'idada Timirtu jidhkaaga u leedahay?

    Timirta, sidoo kale waxa ku jira biyo, booratiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Timirta, sidoo kale waxa ku jira biyo, booratiin



Timirta waxa ku jirta macdan iyo fiitamiino aad u fara badan, oo ay ka mid yihii calcium, iron phosphorus, sodium, potassium, magnesium zinc, thiamine, riboflavin, niacin, folic acid Vitamin A, Vitamin C…, oo jidhka u horseeda caafimaad. Waxa ku jira macdan kale oo muhima, oo la yidha amino acid tryptophan. Waana ta u suurto-gelisa jidhku inuu sameeyo hormoonka loo yaqaano melatonin.



Hormoonkani wuxuu si weyn ugu lug leeyahay nidaaminta wareegga hurdada ee aadannaha, sidoo kale wuxuu buuxiyaa shaqooyinka kale ee muhiimka u ah jidhka. Waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa nidaaminta heerkulka jidhka, dheef-shiid kiimikaadka iyo cadaadiska dhiigga. Waana sababta laga yaabo dad badan oo hurdada sifacan aan u sexani, in ay habeenkii markay sii sexanayaan cunnaan, dhawr xabo oo Timir ah.


Timirta, sidoo kale waxa ku jira biyo, booratiin, Vitamin A, Vitamin B, Vitamin K, Carotin iyo Lutein. Vitamin A iyo lutein-tu waxa ay muhiim u yihiin indhaha. Intaa marka laga soo tago, waxa kale oo ku jira iron, zinc, magnesium iyo maadada laydihaa potassium. Si aynu iskula fahano xabada timira inta macdan, fiitamiino iyo booratiin ku jira, bal aynu miisaanno.


Xabadda timirtaa waxa uu culayskeedu yahay celcelis ahaan, toddoba ilaa toban gramm inta u dhaxaysa. Boqolkii gramm ee timirta ah waxa ku jira laba boqol iyo shan iyo siddeetan kalorin ah (235 kcal), laba garaam (2g) oo booratiin ah, hal garaam (1g) oo fat ah, lix iyo lixdan garaam oo carbohydrate ah (66g), sagaal(9g) garaam oo fiber ah, shan iyo labaatan mikrogramm (25) oo Vitamin A, 0,2 mg oo Vitamin E, saddex milligram (3mg) oo Vitamin C ah, kow iyo labaatan milligram (21mg) oo folic acid ah, shan iyo soddon milligramm (35mg) oo sodium ah, lix boqol iyo sagaal iyo konton milligramm (659mg) oo potassium ah, lix iyo lixdan milligramm (66mg) oo calcium ah, kow iyo konton milligram (51mg) oo magnesium ah iyo 1,9 milligramm oo iron ah.


Jidhku, waxa uu timirta ka helaa antioxidant.

Antioxidants waa qeyb ka mida ilaaliyayaasha jidhka.


Antioxidants waxa ay jidhka siyaan difaac ka dhan ah waxa loogu yeedho ,, radicals free‘‘,.Xagjiriinta xorta ah ( radicals free) ayaa aad u dagaal badan. Waxa ay weerarraan unugyada caafimaadka qaba. Weerarkan ay soo qaadeen xagjiriinta xorta ahi, waxa ay baddeli kartaa qaab-dhismeedka unugga iyo sida uu u shaqeeyo. Xaaladda ugu xun ee ay unugga u geysan karaanna, waa shaqada unugga oo ay khalkhal geliyaan ama DNA-da oo ay dhaawacaan.Haddii DNA-da waxyeello soo gaadho ama ay dhaawacaan, waxa khalkhal ku imanayaa unugyada ka farcama unugga waxyeeladu soo gaadhay, oo wixii unuggaasi u sii dhallo, waxa ay noqonayaan unugyo aan cafimad qabin, oo jidhka xanuunno u horseedda. Sido kale waxa ay qofka ka caawiyaan innaanu isku-buuqin (Stress).


Antioxidant-ku waxa ay ka ilaalisaa radical free-gu inay dhaawacan unugyada jidhka.

Saddexda maaddo ee ugu awoodda badan, ee ku jira antioxidants waxa kamid ah;

1: Flavonoid waa antioxidants awood leh oo kaa caawisa jidhka yaraynta Infectionka


2: Carotenoid ayaa la oggaaday inay kor u qaaddo caafimaadka wadnaha.

3: Phenolic acid: waxa ay yaraysa ama hoos u dhigtaa infection ka….

Halkan kala soco qaybta danbe.


WQ/ A-Yaasiin Calidheere

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...