La dagaalanka cudurrada Qaybtii 4aad
Timirta waxaa ku badan maadada Antioxidants, kuwaas oo bixiya faa'iidooyin caafimaad oo kala duwan. Kuwani waa Antioxidants-kee, waxaa la rumeysan yahay inay gacan ka geystaan hoos u dhaca halista cudurro dhowr ah.
Antioxidants waxay unugyadaada ka ilaalin kartaa xagjirrada xorta ah. Xagjirrada xorta ah waa unugyo aan degganayn oo keeni kara fal-celin waxyeello ah, oo jidhkaaga ah oo u horseedi kara cudur.
Marka la barbardhigo midhaha la midka ah sida berdaha iyo plums-ka la qalajiyey, timirtu waxa ay u muuqataa inay leedahay heerarka ugu sarreeya ee antioxidants.
Halkan waxaa aynu si kooban u dulmari doonaa, saddexda antioxidants ee ugu awoodda badan timirta:
Flavonoid: Flavonoid waa antioxidants awood leh oo kaa caawin kara yaraynta caabuqa. Waxaa la baadhay sidoo kale awooddoodu in ay yareyso khatarta xanuunka macaanka, Alzheimer *( asaasaq) iyo noocyada kansarka qaarkood.
Carotenoid: Carotenoid ayaa la muujiyay inay kor u qaaddo caafimaadka wadnaha waxa ayna sidoo kale yareyn kartaa, halista cudurrada indhaha sida macular degeneration*.
Phenolic acid: Waxaa loo yaqaanaa sifooyinka ka hortaga caabuqa jidhka ku dhaca. Phenolic acid waxa ay hoos u dhigi kartaa, khatarta kansarka iyo cudurrada wadnaha.
*Alzheimer waa xanuun ku dhaca maskaxada oo ay hawlgab noqonayan ama ay meesha ka baxayso isgaadhsintii neerfayasha maskaxdu. Xogta ay maskaxdu hesho iyo waxyaabaha hareerraheeda ka dhacaya, sidii ay uga falcelin jirtay, ugama fal celinayso. Waa xanuun sababa inu qofku asaasaqo, oo ay ka tagto garashada badhkeed ilaa marka danbe uu gaadho heer uu qofku kala garan waayo awlaadisii uu dhalay iyo dadka kale.
Inkasta oo aan si cad loo garanayan waxa sababa xanunkan asaasaqa, waxa la rumaysan yahay haddana in labadan booratiin ee Beta-amyloid-plaques iyo tau-fibrils oo maskaxda ku ururaa, ay sababaan.
* Macula degenerationwaa cudur daba-dheeraaday, oo inta badan saameeya labada indhood, kaas oo ku salaysan cillad-shiid kiimikaad, oo jidhka ka dhex dhacda. Waxa ay ku dhacdaa waxa loogu yeero macula, waa qaybta araga-qiifan, waxa aanay muhiim u tahay inuu qofku si faseexa wax u arko. Waana cudur inta badan ku dhaca dadka waaweyn.
WQ, | A-Yaasiin Calidheere |
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!