Tayo xumada wadooyinkii cusbaa oo la arkay ka dib roobabka curtay

0
Thursday March 30, 2023 - 11:50:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tayo xumada wadooyinkii cusbaa oo la arkay ka dib roobabka curtay

    Roobabka oo bilow uun ah ayaa hadana waxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobabka oo bilow uun ah ayaa hadana waxay



Ugu horayn wadooyinku waxay muhiim u yihiin isu-socodka bulshada waxaana qayb wayn ka yihiin horumarka dhaqaale ee wadanka, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo tayadeeda marka la dhisayo wado kasta oo cusub.


Sida aynu la wada socono wadada Berbera corridor waa wado casri ah oo isku xidha berbera ilaa wajaale waxaana hirgalinteeda lahaa dawlada emaraatka carabta, waxaana lagu haminayey in ay noqoto tayadeedu mid aad u saraysa sida ay u qurux badan tahayba, se waxa soo baxay wax aan laga filanaynin iyadoo wadadii cusbayd ay waxyeeleeyeen roobabkii u horeeyey ee curtay.



Roobabka oo bilow uun ah ayaa hadana waxay waxyeelo soo gaadhay biriishyadii lays lahaa waxa lagaga raysanaya kala xidhankii xili roobaadka dooxyadu kala xidhi jirtay, waxaana waxyeelo soo gaadhay ilaa sadex ama afar biriish taas oo muujinaysa tayo xumaanta wadadan.


Waxa laga rabay dawlada in ay korjoogtayso oo daba-gal ku samayso tayada wadadan iyo wadooyinka kalaba iyada oo ay u xilsaaranatay haayada wadooyinka somaliland.


Inkasta oo roobabku bilow uun hada yihiin waxa laga yaaba in hadii ay roobabku sii socdaan wadadana waxyeelo inta ka badani soo gaadho taas oo sumcad daro ku noqon doonta cid kasta oo gacanta ku haysay wadan hirgalinteeda.


Hadaba dawlada waxa la gudboon xiligan in ay u saarto khubaro iyo ingineero wadooyinka ku takhasusay oo soo baadha sababta keentay in sidan fudud ay u dumaan biriishyadani oo ay wadadan waxyeelo u soo gaadho, ka dibna ay warbixinta la wadaagaan haayada wadooyinka soomlailand markaasna la bilaabo si dayactir dhamays tiran loogu sameeyo.


Waxaynu tusaale cad u soo qaadan karnaa biriishka wayn ee magaalada hargeisa ku dhexyaala ee mudada nus qarniga ah dhisan, may soo gaadhin waxyeelada hada soo gaadhay biriishyadii cusbaa ee qaarkood hada dumeen, taasbaana tusaale cad u ah in tayada biriishyadani ay aad u liitaan una baahanyihiin dib ugu noqosho iyo hubin xaga tayadooda ah.


Ugu dambayn waxa inala gudboon in shacabku ka taxadiraan marka ay dulmarayaan biriishayadan cusub siiba xiliga roobabku da,ayaan ama daadku marayo, waayo khatar ayaa ka iman karta alle inaguma keene, waxaana waajib ku ah dawlada in si degdeg ah ula xisaabtanto cidii wadadan dhisideeda masuulka ka ahayd.


 

Wabillahi Tawfiiq

W/Q: Ahmed Harir Adem

Hargeisa, somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...