Putin Oo Laga Yaabo Inuu Booqdo Turkiga, Xilli Maxkamadda ICC Ay Amartay In Lasoo Xidho.
Madaxweynaha Turkiga
Tayyib Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in dhigiisa Ruushka Vladimir Putin laga
yaabo inuu booqdo Turkiga 27-ka bisha soo socota ee Abriil, si uu u daah-furayo
koronto-dhaliyaha tamarta Nukliyeerka ee ugu horreeyay ee ay dhisto shirkadda
tamarta Nukliyeerka ee Ruushka ee Rosatom.
"Waxaa laga yaabaa
inay jirto suurtagalnimada in Mr Putin uu yimaado 27-ka Abriil, ama waxaa laga
yaabaa inaan ka dhigno xafladda caleema-saarka mid online ah" ayuu Erdogan
ku yiri faallooyin laga sii daayay telefishinka ATV.
Horraantii bishaan,
maxkamada caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo
Putin, maadaama lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine, taasoo
keentay caro ka timid Aqalka madaxtooyada Ruushka ee Kremlin. Laakiin Turkigu
qayb kama aha heshiiskii Rome, ee lagu dhisay maxkamadda ICC.
Turkiga ayaa shidaalkii
ugu horeeyay ee Nukliyeer ah ku shubi doona qeybta ugu horeysa ee tamarta
Nukliyeerka ee magaalada Akkuyu.
Mashruucan oo ku kacaya
$20 bilyan, ayaa Turkiga u oggolaan doonta inuu ku biiro kooxda yar ee leh
tamarta nukliyeerka rayidka ah.
Ruushka ayaa Isniintii
beeniyey wararka Turkiga ee sheegaya in Putin uu qorsheynayo inuu booqdo
Turkiga.