Abiy Axmed Oo Lagu Yidhi 'Xilka Ka Dag'
Raysal wasaaraha
Itoobiya Abiy Axmed oo warbixinta 6-da bilood ee waxqabadaka dowladdiisa
baarlamaanka horgeeyey, qaar ka mid ah xubnaha golaha waxay weydiiyeen su’aalo
kulul oo siyaasada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada taabanaya.
Abiiy Axmed su’aalaha
la weydiiyey waxaa ka mid ahaa dhibaatooyinka waddanka ka jira waxa ugu
horreeya oo xalka u noqon kara waa ‘adiga oo xilka ka dag’ marka fadlan xilka
ka dag.
Su’aashaasi oo uu
weydiiyey xildhibaan lagu magacaabo Kiristian Tadele oo xisbiga mucaaradka ee
ANM oo Amxaarada ka soo jeedo ku matalaya baarlamaanka.
Abiy Axmed oo ka
jawaabaya su’aashi uu xildhibaankuweydiiyey wuxuu yiri, ”Su’aasha xildhibaanka
uu soo jeediyey ee ah ‘xilka ka dag’ waxay micno yeelan laheed hadii loo dhigi
lahaa ‘seddexda hay’adood ee sharci fluinta, sharci dajinta iyo dowladdaba
xilka ha ka dagaana.”
Wuxuuna intaa ku daray
awoodda dowladnimo shacabka Itoobiya inuu leeyahay sida ay annagaba noo
doorteen cidda ay donaan ay mas’uuliyadda u dhiiban karaan kana qaadi karaan.
”Xilka waxaa lagu helaa
codka shacabka, doorashada dalka Itoobiyana saddex sano ayaa ka dhiman shacabku
haddii ay codkooda noo diidaan aniga oo ku faraxsan ayaan xilka ka dagayaa.”
ayuu yiri Raysal wasaaraha Itoobiya.
Abiy Axmed waxayaabaha
kale oo wax laga weydiiyey waxa ka mid ahaa wadahadallada nabadeed ee lala
yeelanayo jabhadaha dwladda dagaalka kula jira iyo khilaafki xudduudeed ee u
dhaxeeyey Suudaan iyo Itoobiya.
Jabhadaha Itoobiya ka
dagaallama
Xildhibananada golaha
shacabku waxay Abiy Axmed wax ka weydiiyeen dowladdiisu sida ay ka yeeleyso
jabhadaha hubeysan ee dagaalka kula jira.
Abiy Axmed oo ka
jawaabayana wuxuu yiri TPLF heshiis ayaan la galnay welina waxaa jira waxyaabo
dhiman oo la xiriira hirgelinta heshiiska nabadeed oo Pritoria labada dhinac ku
dhexmaray.
”Jabhadaha Gambeella,
Banishaangul-Gumuz, Qimaant iyo Agaw-Shango wadahadallada nabadeed oo aan la
galnay meel fiican ayey noo marayaan balse jabhadda Ciidamada Xoreynta Oromada
(OLA) maadaamaa ay baahsan tahay madax mideysanna ay laheen wadahadallada aan
la geli laheen wax badan noogama suuragelin balse waan ku dadaaleynaa sidi aan
u soo afjari dhiggaa shacabka Itoobiya oo micna la’aanta ku daadanaya” Ayuu
Abiy Axmed.
Jabhadda OLA dhankeeda
waxay sheegtay ilaa iyo hadda inuusan jirin dalab wadahadallo nabadeed oo xagga
dowladda uga yimid.
Khilfaaka dhuleed ee
Itoobiya iyo Suudaan
Raysal Wasaare Abiy
Axmed oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey khilaafka dhuleed ee u dhaxeeya
Itoobiya iyo Suudaan wuxuu sheegay iney jirto dhowr mar ciidamada labada dal
isaga dhaceen aagga Al.-fashaqa oo ay labada dal isku haystaan.
”Guddi iskudhaf ah oo
labada dowladood ay raalli ka yihiin ayaa ka shaqeynaya arrimaha keenay
khilaafka dhuleed ee xadka labada dal, hase yeeshee waxaan la dafiri karin isku
isku dhacyo hubeysan ay dhaceen. Dowladda waxay ku dadaaleysaa khilaafka dhulka
labada dal u dhaxeeya si nabad ah sidi looga soo afjari lahaa,” ayuu yiri
Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Tanii iyo Abiy Axmed
marki uu taladaha dalkaasi qabtay dalka Itoobiya waxa ka dhaca dagaallo isiugu
jira kuwa jabhadeed iyo kuwa beeleed o ay dhiig badan ku daateen oo uu ugu
weynaa dagaalki Waqooyoga Itoobiya muddo laba sana ah ka socday oo heshiiska
nabadeed lagu soo afjaray.
BBC