Caruur Ay Soomaali Ku Jiraan Oo Muhaajiriin Ah Oo Laga Qaaday Greece
Barnaamij ay dalalka
xubnaha ka ah Midowga Yurub si mutadawacnimo ugu aqbalayeen caruurta
muhaajiriinta ah, ee aan waalidka la socon ee ku sugan Greece, ayaa si rasmi ah
usoo geba-geboobay Talaadadii.
Da’yar 15 ah, oo ka
kala yimid dalalka Soomaaliya, Gambia iyo Pakistan, ayaa raacay diyaarad ka qaaday
Athens oo gaysay Lisbon, Portugal.
Waxay taasi tirada guud
ee caruurta muhaajiriinta ah ee dib u dejinta loogu sameeyey barnaamijkan ka
dhigeysaa 1,368 oo la geeyey 16 dal oo kala duwan tan iyo 2020, sida ay
sheegeen saraakiisha Greece.
Guddiga Midowga Yurub
ayaa ballan-qaaday inuu dhameystiri doono xeerar cusub oo dhanka socdaaalka, oo
ay ka siman yihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah kahor 2024, kadib sanado
hakad ah.
Qodobka ugu adag ee la
isku haya ayaa loogu yeeraa hanaanka garab-istaagga, kaasi oo dalalka xubnaha
ah la siinayo kooto dib u dejin oo ay ku caawinayaan dalal ay ka mid yihiin
Greece, Italy iyo Spain, oo ah halka magan-galyo doonka badankood ay yimaadaan
marka hore.
Wasiirka ku-xigeenka
socdaalka Greece Sofia Voultepsi ayaa sheegtay in Athens ay xubnaha Midowga
Yurub kula jirto wada-hadallo ku saabsan inay si mutadawacnimo ah u aqbalaan
muhaajiriinta qaar.
"Greece kaligeed ma
xamili karto culeyska qaxootiga iyo muhaajiriinta. Garbaha kuma qaadi karto
dhammaan caruurta aan sharciga lahayn ee dalkeena imanaya,” ayey weriyayaasha
ugu sheegtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Athens.
Gianluca Rocco, oo ah
madaxa howlgallada ee Xafiiska QM ee Muhaajiriinta (IOM), ayaa sheegay inuu
rajeynayo in Midowga Yurub ay gaaraan heshiis.
VOA