Beentii Baa Barakaysan ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday March 29, 2023 - 12:55:07 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Beentii Baa Barakaysan ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Cuqubadu Halkii Lagu Galay Caw Ku Hurudaaye, Caruurtay Ka Laysaa Ninkii Caano Baas Dhamaye!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Cuqubadu Halkii Lagu Galay Caw Ku Hurudaaye, Caruurtay Ka Laysaa Ninkii Caano Baas Dhamaye!

Akhrista-yaal waxan maanta qalinka idiinku soo gubinayaa, wax kaste oo oo aad u soo marteen dhulkii beri aad ula baxdeen "Somaliland" Ee aad ka filanay-seen ama ka rajo qabteen in uu idiin noqdo beri-samaad, sidda uu isu bedekay iyo hadeer siduu yahay ee ah rajo la'aanta, ee adiga oo aan yaabin bal ila eeg waxan hoos ku yaal:-


Wadan-keeni bilaa,
,Bogcaddii amranayd,
Calankii badhtan-kiisa,
Ku bayaanshay tawxiidka,
Barwaa-qaddii la jaqaayey,
Nabadaan ku badhaadh-nay,
Dar baa baabi'iyey,
Ku buquujay xabaal,
Baguugaa ka dhigay,
Bidhaan-tiii ma hayno,
Xaq-daraa la boqrey,
Haba beegsan sinaan,
Cadaaladii la bushkaax,
Buste weyn lagu ded,
Ninba baal ula kac,
Wanaagiina bukoo,
Bello weeye runtii,
Beentii baa barakaysan,
Bakhti weeye xalaali,
Xaaraan baana biraysay
Bilaawaa kala daashay,
bushnaa ruux ka dhawaaqa,
Baadil-kaas ka hadlaaya,
Jeelkii baa lagu boobay,
Gabay Ruuxa tirshaa,
Isana waa la budheeyey,
Haba sheegin belwo,
Beer-cadaad ummaddii,
Gaajaa baabi'isay,
Wax kastoo baxsanaa,
Hadeer way banafeen,
Bedel-koodi xumaan,
Baa calan loo lulayaa,
Dagaal laysku ba'aa,
Beledkii ku dhamaaday,
Maydku wuu iska batay,
Kuwo aan biyo haysan,
Bara-kacoo cidla jiifa,
Burna aan karsanin.
Baa banaanka u yaacay,
Askar baana ka boos ah.
Maataddii bam-garayey,
Buuni baa ka dhex foorya,
Bukhaari baa ka wadaad ah,
Xinif baw boqor ah,
Hilib-laa buunka afuufa ( xasan shahar)
Beelahay isku diraan,
Cuqdad aan bogsa-naynin,
Cudur aan baxa-hayn,
Hanti boob tartamaaya,
Kuwo beenta ku ceesha,
Xaqiiq-ddii ka baqoolay,
Ka butaaca af-kuun,
Baa dalkii bur-burshay,
Hablii beerka iyo laabta,
Feedhka uun kula boodda,
Boqnahii kala gooyey, ,
Duniyi waysku bugsootay,
Ummaddii bohol-yawday,
Baylah-ddii ka dartay,
Nin-ba baashi u joogay,
Buu keliggii dharqadaa,
Waxan buuga ku duugay,
Bal ninkii wax dilaayiyo,
Dad qofkii ku baxaaya,
Ka baroorta hadhawto,
Ummadyey bal ogaadda.
Waxan baabkan ku joojay,
Oon bi-laahi wakiishay,
Askarigan buuqa abuura,
Isagoo baba-naaya,
Beri baavla arki,
Ee birta uun ka asla.
Bismilaahi raxmaanka,
Boqorkaa na gar-gaari.
Askari-gana wuu ka biyeyn.

Hadal isaga baa iska badane, ku biyo cab, kuna seexo oo ku soo toos, arimaha sare iyo hoos-ba aan kuugu qeexay, inta aad riyadda beenta ah iyo khiyaaliga aad ku nooshahay ka baxdo. Gabay baa waxa ka mid ahaa murtidda ku jirtay ' Rag cadaalad waayaa siddii cawsha kala yaac" Mid kale-na wuxu odhanayaa " Cuqubadu halkii lagu galay caw ku hurudaaye, caruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhamaye" Waxan ku soo dabray maqaalkan.Rumayso ama is diidsii,sidaad doonto ka yeel,aday kuu taal waa-se dhab., 

Ciidankii la lahaa " qaranja-qaranka-qaranka waxa afka u dhigtay inama yar-yar oo Dhulbahante ah,mana jirto Harti dib u soo noqonaysaa, inta uu maamulka labadda Askari ee "Xaafad-Tooyadda" ka talina-yaan wixii aan ula baxnay Somaliland-na fidig-geedda lagu qaaday. 

Xalka keli ah ee dib loogu soo celin karaa waa " Raggii ma adigaa ka hadhay" Oo meesha dhaafa, kana dega kursiga, si dib loogu soo nooleeyo wixi lagaga soo heshiiyey Boorame. Heshiis-kaas oo aan jirin maanta,meel lagu sheegaa iyi cid ku camal fashaaba, aan mid-na la haynin subaxaas saaka ah. 

Muwaadin haddii aad intaas sare ila fahan-teen, oo aad illaahay ka baqayso,ahayn mid dan gaar ah ku qaba,calooshìise u shaqayste, digsi-xagato, awr-kiraale lagu guuro,loona adeeg-sado beeshiisa, kuwo $20 loo tuuro oo lagu yidhaaho habel ka daba hadla, inta maalin dhereg la siiyo, Gudi gacan ku rimis ah,laga daba sameeyo tii reerku doortay, xaar cun aan wax-ba ka xishoon, baa isku sii dayseene, dantiina ma tahay in aad si wadda jir ah iskaga qabataan? Mise waa " Maya" Oo waxad ku daba fayli-doontaan kuwa halkaas ifin dhigay.

* N.B Cuqubadu Halkii Lagu Galay Caw Ku Hurudaaye, Caruurtay Ka Laysaa Ninkii Caano Baas Dhamaye!

Qore:-Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...