Guurso Inta Aad Dhalinyarada Tahay

0
Wednesday March 29, 2023 - 12:53:23 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guurso Inta Aad Dhalinyarada Tahay

    Guurkii hore waxuu ka bilaabanayay tilaabo adag oo ah yaradka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guurkii hore waxuu ka bilaabanayay tilaabo adag oo ah yaradka

Guurso maxaad u fadhidaa reer dhiso oo nolol samayso sidee ayaad ku nooshahay adoo nin wayn aa cabaya cunaya hadana doob ah! Waa erayo ay hadaaan kaga tuuran dad is moodaya inay dhalinyarada wanaag kula talinayaan waaqaca jirana aan waxba ka ogayn


Doobnimadu waa nolol aan u qurxanayn kuwa xumaanta ka dhawrsoon wayna adagtahay inay ku faraxsanadan noloshas jirabka badan guurkuna waa suno xasilooni daganaad jirka iyo ruuxduba ay nashaad ka helaan balse waxaa is waydiin mudan maxaa farqi ah oo udhaxeeya guurka maanta jira iyo kuwii hore yaase guursan kara maanta?



Guurkii hore waxuu ka bilaabanayay tilaabo adag oo ah yaradka reerka gabadha lasiiyo oo xoolo badan ayaa la iska qaadayay wayna adkayd nin cayra inuu guursado wiilsha reero xoola badan leh ka dhashayna way u sahlnanayd inay guursadan balse talabadas koobad ee salaanka(jaranjarada) nolosha xaasle laga korayo tii doobnimadana laga kacayo ayaa ahayd mid adag hadii laga gudbana talaaboyinka kale way sahlanayen dhawr neef oo xoolaha ama beer yar oo uu tabcado ayaa nolosha dhan kaafinaysay ma jirin koronto biyo lacag laga bixinayo guri kiro ah lacago gaadid lagu raaco marka meel dan laga yeesho oo waa loo lugaynayay marka caruur dhalaan wax barashada koobad waxay ahayd quraanka kaliya dadka tuuloyinka hormarsan jooga ayaa heli jiray wax barasho maadi ah si kastaba ahaate wax barashadu qaali mahayn ma jirin xanuuno badan oo dadku waxay ahaayen kuwo caafimad qaba cudurada qaar maanta jira xiligaas magacooda xitaa lama aqoonin. Yoolka ugu wayn ee wiil walba marka uu soo qaan gaaro lahaa waxuu ahaa inuu mar un guursado guurkana sidaa ayuu u ahaa mid sahlan marka talaabada koobad ee yaradka laga soo gudbo


Guurka maanta sidaa wuu ka gadisan yahay oo talaabada koobad ayaa fudud ma jirto xoolo yarad ah oo la iska qaato qarashka badan ee guurka ku baxaya kii aan awoodin waa loo qaaramaya oo waa loo dhisaya aqalkana waa loo goglaya ilaa gabadha looga guri geeyana wiilka ehelkisa wax walba way bixinayan haba soo dayn taane balse ma jirto wax intaa ka danbeeya oo kaalmo ah walow aan aragti ahaan rumaysayn in reer la isu dhiso hadana kuwane waa kuwa ay ku qotonto maah maahda ah nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin


Marka laga soo baxo maalmahi caruusnimada iyo bishii malabka wax walba way is badalayan waxaa lagaa rabaa biil oo tukaanlaha ma ogolaanayo laba bil isku xigta inaad dayn ka qaadato kirida guriga hadaad 5 bari ku bixin wayso waa lagaa saraya guriga korontada iyo biyaha hadad bixin waydo waa laga jarayahadaad meel wax uga baahato waa inaad bus taxi ama bajaj raadna iyana waa lacag oo gaadidleydu isii qaad kaama yeelayan intaas waa nolosha marka aad laba kaliya tahiin ilma ayaa dhalanaya waxuu u baahan yahay quud ka baxsan waxa guriga horay looga cuni jiray iyo daryeel gooni ah hadii uu xanuustana kaba daran bal suure canugaga oo xanuusan oodan kaniin u iibin karin ama aad shaxaad ku dawaynayso marka ilmahaga wax barasho gaaran qarash hor leh ayaa laga raba dugsi iyo iskuulba ilmahgana waxay u baahan yahiin wax walba ooy asaagod ku arkaan inay helaan ha ahaato wax lagu cayaaro goobaha maawelada macmacaan amaba labis sidoo kale ilmahu dhibaato ayay ku tahay in fasalka looga saaro aabaha lacagti wax barashada ma uusan bixin xili ay asaagis xiisada qaadanayan daraasadahana siyaabo kala duwan ayay wax uga qoreen waxayse ka siman yahiin inay dhibaato ku tahay guurkuna macno maleh hadii aadan intaas kaafin karin


Dadka dhalinta guurka kula taliya badana waxay ka hadlaan waa baahi jireed kama hadlaan masuuliyada ninka fuulaysa marka gabadha lagugu mehriyo waxaa kugu soo wareegaysa masuuliyadi aabahed iyo hooyaded ka saarned sababo diini ama mid dhaqan soomaliyedba hakugu soo wareegte gabadhas waxay kaa rabta garabkii ay hooyaded iyo walalhed uga baah nayd inay adiga kaa hesho maalmaha ay xanuusato xaamilo tahay ama ay umusho waxay kaaga baahan tahay inaad caawiso nolashina kale adiga ayaa laga sugaya inaad kaafiso


Guurku waxuu u baahan yahay diyaar garow adag dhaqaale ahaan iyo aragti ahaan fahanka waxa guurku uu yahay iyo sida reerkada u dhaqan lahayd gabadhu way guursan karta Haday hesho nin masuuliyadas qaadi kara balse waxaa muhiim ah iyada inag u diyaar gawordo siday ay ilmaheda u korin lahayd u tar biyayn lahayd waaqica maanta jira ee fasahaadka iyo sida tiknoolajida ay caruurta u dhibaataysana ugu bad baadin lahayd ilmahedana bare ugu noqon lahayd marka gabadhu sidaa u diyaar garowdo ninkuna diyaar garoobo waxa soo baxaysa nolol dhamaystiran dhan walabana ka saxan


Ha dhagaysan kuwa xariga hogaanka kuugu xirayashahwadada dunidadan nolosheda qariban tahayna ha usoo lugoynin ilmo aadan nolosha u qurxin karin reer aadan iftiinka nolosha u shidi karin marka hore soo diyaar garow si aad u dhisato reer qurux badan aayahodana ifaayo


Nabad galyo ramadan kariim

????/????: ???????????????????????????????????????????????? ????????????????????????????

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...