Qaybtii 2aad Sheekadii kabo calaf

0
Wednesday March 29, 2023 - 12:50:39 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 2aad Sheekadii kabo calaf

    La dhaqaaji oo meeshi ayay Ka hilhiisheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La dhaqaaji oo meeshi ayay Ka hilhiisheen



Dabadeed Halyeygii gabadha watey ee Caruusnimada u miciyo Lisanayey ayaa halhaleel ugu Jawaabey oo yidhi " Waar naagtu maxay Ku hadlaysaa, xagee Cuntadu joogtaa hayjad Cidla ah ayaynu Joognaaye waynuna faro madhanahaye sidey kaa Noqotay".


Kabocalaf oo dhoosha ka qoslaya Fahmayna in saxiibkii La bilkeeday balse aan sidii ay ahayd ujawaabin ayaa Yidhi " Waar sidaad moodey maahee waxay inantu ujeedaa miyeynaan Cadayaneyn".
Saa cadaygu waa muhiim dhaqanka soomaalida oo wuxu bi'iyaa luunka waxana Laga dhigtaa oomati marka aan waxkale oo La calluunto Lawaayo.

Hadalka inantu sarbeeb iyo Halxidhaale ayuu ahaaye waxa Furay sifiicana uga jawaabay Kabocalaf. Dabadeed Sadex caday baa geed Laga goostay oo Lagu ilkocadeystay.

La dhaqaaji oo meeshi ayay Ka hilhiisheen, waxa Lasii dhex qaadayaa dhul gargoorku simanyahay, oo ay ugaadhu Tarbadhyeyneyso, ugbaada oo ay ishu gacalo deymooneyso iyo shimbiro midba Caynad gooniya codkeedu yahay ugu luuqeynaysa.

Dhirtu waa udug, dhulkuna waa ubax, waa wada ramaas iyo rays marka maajeenta dharabku aroortii ka kaco cagtu ay sidii kabo buush ah ku raaxaysanayso Macaansi darteed.

Barqo dheer oo kulul kadib ayay hadhgaleen geed weyn oo damal ah oo hadhac ah oo ay Hareerihiisa iyo hoostiisaba Xareedu mulacyeysay Laba caanomaal kahor. Wax yar markii La fadhiyey ayay inanatii dalabkale oo horleh ka dhawaajisay waxayna tidhi " Waar miyeynaan nasanayn".

Waarbal Hooggan daya oo Ma nasashaa dhiman hadhac bay hoos dingiigtaaye
Aroos maagicihii gabadha watay oo yaaban ayaa ku tiraabay " waynu fadhinaa oo Nasasho kale ma maqnee mawaxad ujeedaa aynu seex seexanayo".

AYNU SEEXANO!!! Haamadaa inantii Duntey, Laab dilaac iyo yalaalugu weynaa!
"Fanto ku dishey oo faraq kaagasoo qaad" ayay hoostaa kaleedahay.

Xaashaa' arinku SaaS maaha

Kabocalaf Madegdeg badna waa nin hadalka hojiya Lana hormarin ilaa ay taladu isaga utimaado mooyee.
Kabocalaf arag murugada ku meertay Qalbiga inanta waxa kasii daran sida uu saaxiibkii udarjiiday jawaabihii Su'aalohooda lagusoo halgaaday.

Hayeeshee waa inuu Markale jawaabaa inantana Mahadhada ka maydhaa.
Kabocalaf " Aynu nasano marka lafadhiyo waxa looga jeedaa aynu Kabaha iska bixino ileen qof kabihii uukusoo safray gashani ma nasane".

Haakah bay tidhi, iyadoo ilkaha is gelinaysa qosolyarna lamuusootay, Lana dhacsan jawaabta kabacalaf....
Waase mid afka laga falaye warkeedu intaas kuma eka.

Casardheer markii kulkii Cadceedu Yara jabay ayaa Lasara joogsadey.... si socodka loosii gaalaa bixiyo... kabihii Baa La iladay oo cidhibtaa lagu dhuftay si ay ugeyoodaan oo markay Libdhadu Godkeeda gasho ama ay baalaha dhigato ugu beegmaan halkii ay abbaarta adinkoodu ku aadaneyd.

Cabaar kadib iyadoo lasii galab carrowsanyahay meel cidla waaqla ahna fadalka la gurayo ayay gabadhii Mar sadexaad gabadhii gedeedii lasoo baxdey oo nimankii Lasoo tegey ku tidhi " waryaadha Nimanka Beelbaan (Reero meel degan) arkaa ee Ma idiin muuqataa idinka".!!

"Waa wadheedhii , wacdareheedii iyo wexeedii xilka lahaa" ayuu hoos naftiisa ugula faqayaa aroos iyo alalag maaginihii inanta lasoo baxay ee ay Labada jeer ee hore wadhidu ka raacdey Waydiimaha Gabadhu ku

 halgaaday....

Bal waxdhow

Ila soco Qaybta 3aad

Ilana saaxiib Hadaad jeceshahay akhriska iyo qoraalka

Qore: Faarah Mohamed Aided
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...