Abiy Axmed Oo Sheegay Inuu Wadahadal La Furayo Jabhadda OLA
Ra'iisul wasaaraha
Itoobiya ayaa Talaadadii sheegay in maamulkiisu uu isku dayayo inuu wadahadal
la yeesho 'jabhad sharci-darro ah' oo inta badan ka hawlgasha gobolka Oromiya.
Hadalka Abiy Axmed uu u
jeediyay xildhibaannada ee ku saabsan inuu xiriir la sameeyo ciidanka Xoreynta
Oromada (OLA) ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo
celceliyo geeddi-socod nabadeed oo bishii November la gaaray colaadda ka
taagneed waqooyiga gobolka Tigray, si loo soo afjaro dagaalka.
"Dawladdu waxay
danaynaysaa in khilaafka (OLA) lagu xalliyo hab nabadeed. Dan kaliya ma ahan,
ee sidoo kale waxaa la dhisay guddi loo xil saaray inay hormuud ka noqdaan
geeddi-socodka nabadda, in ka badan 10 isku day iyo xiriir ayaa lala sameeyay
(OLA).” ayuu yiri Abiy, isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in Itoobiyaanku
ay taageeraan geeddi-socodka nabadda.
Afhayeen u hadlay
jabhadda oo la yiraahdo Odaa Tarbii ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee
Associated Press in hadalka ra'iisul wasaaraha uu yahay "mid yimid wakhti
aan munaasib aheyn oo xaqiiqada aan waafaqsanayn" waxaana uu intaas ku
daray in "10-ka isku day ee uu soo hadal qaaday aysan ahayn isku dayo dhab
ah oo uu kula xiriiray hoggaanka OLA."
Ururka OLA ayaa lagu
daray liiska argagixisada ee dalka Itoobiya waxayna dawladdu ku eedaysay inay
xasuuq ba’an u gaysato qoomiyadaha laga tirada badan yahay, gaar ahaan
Axmaarada, ee ku dhaqan gobolka Oromia oo ah kan ugu wayn maamul goboleedyada
dalka.
VOA