Muxuu Yahay Dalabka Garaadadu Aqbaleen Ee Ka Yimid Ergada Muqdisho Ka Timid?

0
Wednesday March 29, 2023 - 09:47:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Dalabka Garaadadu Aqbaleen Ee Ka Yimid Ergada Muqdisho Ka Timid?

    "Waxa uu intaasi ku sii daray in dhinaca kalena (Somaliland) ay ka rajaynayaan…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa uu intaasi ku sii daray in dhinaca kalena (Somaliland) ay ka rajaynayaan…"



Hargaysa (HWN) Garaadada SSC ayaa sheegay in Isimada Dhaqanka ee ka yimid Muqdisho ay ka dalbadeen xabad joojin si loo joojiyo dagaalka Sool arrintaasi ayay sheegeen in ay aqbaleen.

 

Suldaan Mustafe Aw-seed, ayaa shaaciyay in dhinacooda ay si rasmiya u aqbaleen codsiga xabad joojinta ee madaxda Dhaqanka ee Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku sii daray in dhinaca kalena (Somaliland) ay ka rajaynayaan in ay xabad joojin ku dhawaaqaan.

 

Odayaashan oo shalay yimid Laascaanood ayaa maanta dib ugu laabtay Garoowe iyagoo haddana qorshaynaya in ay ku dedaalaan in ay yimaadaan Hargeysa inkasta oo aan weli xukuumadda Somaliland ka hadal socdaalka Odayaasha Muqdisho.

 

Sidoo kale qaar kamid ah bahda dhaqanka Somaliland oo warbaahinta  shalay la hadlay ayaa xukuumada Muuse Biixi usoo jeediyay in ergadaasi aanay iman Somaliland iyaga oo ku dhaliilay inay dhinac la safanyihiin.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u shaacisay xabad joojin balse dorraad ayay shaacisay in ay qaadi doonto weeraro qorshaysan iyadoo intaasi raacisay in hore Ciidamadeedu u ahaayeen difaac keliya.


Loading...
Loading...