Shiinaha oo afhayeenka Congress-ka Mareykanka uga digay inuu la kulmo madaxweynaha Taiwan
Shiinaha ayaa ku
hanjabay inuu aargoosan doono haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin
McCarthy uu la kulmo madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen inta lagu guda jiro
safarkeeda Mareykanka ee bisha soo socota, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo
noocaas ah ay noqon doonto "daandaansi".
Shiinaha oo ku
andacoonaya in Taiwan ay tahay gobol ay iyadu leedahay, iyada oo marar badan
uga digtay saraakiisha Maraykanka inay la kulmaan Tsai, iyagoo u arkay inay
taageerayaan rabitaanka jasiiraddan in loo arko waddan gaar ah.
"Haddii ay la
xiriirto afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka McCarthy, waxay noqon doontaa
daandaansi kale oo si dhab u jebiya mabda'a Shiinaha ee one-China, kaas oo
sidoo kale dhaawacaya madax-bannaanida Shiinaha iyo midnimada dhuleed,
burburinaya nabadda iyo xasilloonida marin biyoodka Taiwan," ayay tiri
Zhou Fenglian, oo ah afhayeenka xafiiska arrimaha Taiwan ee Shiinaha, oo
warbaahinta kula hadasahay magaalada Beijing.
"Waxaan si adag
uga soo horjeednaa arrintan, waxaana hubaal ah inaan qaadi doono tillaabooyin
dhab ah," ayay Zhu raacisay iyada oo aan bixin faahfaahin dheeri ah.
Maraykanka ayaa sheegay
in safarada transit ka ah ee hoggaamiyeyaasha Taiwan ay yihiin kuwo joogto ah,
isla markaana aanay Shiinuhu ka faa’iidaysan safarka Tsai, si ay tallaabo kasta
oo gardarro ah uga qaado Taiwan.
Tsai ayaa la filayaa in
ay ka hadasho arrintan kahor inta aysan ka duulin gegida dayuuradaha iyada oo
ku hakan doonta magaalada New York.
Shiinaha ayaa
hareereeyay Taiwan bishii Agoosto ee sannadkii hore, xilligaas oo Afhayeenka
Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi ay booqaneysay caasimadda Taiwan ee Taipei, iyada
oo ciidamada qalabka sida ee Taiwan ay sheegeen inay isha ku hayaan dhaq
dhaqaaq kasta oo Shiinahu uu sameeyo inta Tsai ay dibadda ku maqan tahay.
VOA