Madaxweynaha Kenya Oo Ka Hadlay Weerarkii Loo Gaystay Beerta Uhuru Kenyatta

0
Wednesday March 29, 2023 - 09:15:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kenya Oo Ka Hadlay Weerarkii Loo Gaystay Beerta Uhuru Kenyatta

    "Mudaaharaadada ka dhacay dalka ayaa horseeday in la weeraro masaajiddo iyo kaniisado"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mudaaharaadada ka dhacay dalka ayaa horseeday in la weeraro masaajiddo iyo kaniisado"



Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa cambaareeyay mudaaharaadyadii ay Isniinti mucaaradka ka dhigeen dalka, taas oo horseeday burbur hantiyeed oo u uku jiro dullaan lagu qaaday beer ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore ee dalka, Uhuru Kenyatta.

 

Mar uu hadal la hadlayay Kenyaanka ku nool magaalada Berlin, ayaa madaxweyne Ruto waxaa uu wacad ku maray inuu ilaalin doono, badqabka dhamaan shacabka Kenya iyo ganacsatada isagoo howl gelin doono booliska.

 

Mudaaharaadada ka dhacay dalka ayaa horseeday in la weeraro masaajiddo iyo kaniisado ku yaalla magaalada Nairobi.

 

Madaxda diimaha kala duwan ayaa sidookale cambaareeyay falalkan.

 

BBC


Loading...
Loading...