Ugu Yaraan 20 Qof Oo Cumro U Tagay Sacuudiga Oo Ku Dhintay Shil

0
Tuesday March 28, 2023 - 17:14:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugu Yaraan 20 Qof Oo Cumro U Tagay Sacuudiga Oo Ku Dhintay Shil

    "Shilkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay billaabatay bisha barakaysan ee Ramadaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shilkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay billaabatay bisha barakaysan ee Ramadaan"



Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay 29 kalena waa ay ku dhaawacmeen shil bas oo ka dhacay dalka Sacuudiga, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

 

Baska oo siday dad u joogay cumro Magaalada Barakaysan ee Makka, ayaa waxa uu ku dhacay Buundada Gobolka Aasir ee Koonfur-galbeed, ka dibna waxaa qabsaday dab.

 

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaariga oo holcaya. Maamulka ayaa wali baaraya sababta. Al Carabiya oo Sacuudiga laga leeyahay ayaa sheegtay in dadka geeriyooday ay u kala dhasheen dalal kala duwan balse ay ku jiraan dhowr qof oo Sacuudiga u dhashay.

 

Waxa la sheegay in ay qorshaynayeen in ay soo gutaan Cumrada. Shilkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay billaabatay bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah xilli aad u mashquul badan oo ay aad u badan yihiin dadka Cumrada u taga halkaas.

 

Sanadkii 2019-kii, 35 ayaa dhimatay kadib markii uu bas ku dhacay gaari kale xilli ay ka soo ambabaxeen magaalada Madiina kuna sii jeedeen magaalada Maka si ay Cumrada u soo gutaan.



BBC

Loading...
Loading...