Haweeney Weerartay Dugsi Ku yaalla dalka Maraykanka Oo Ku Dishey Lix qof Oo Ay Carruur Ku Jirto

0
Tuesday March 28, 2023 - 13:00:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Weerartay Dugsi Ku yaalla dalka Maraykanka Oo Ku Dishey Lix qof Oo Ay Carruur Ku Jirto

    Toogasho wadareedyo lagu hoobtay ayaa sanadihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toogasho wadareedyo lagu hoobtay ayaa sanadihii



Saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn ayaa la dilay ka dib markii haweeney ay rasaas ku furtay dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Nashville ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka.


 

Toogashada ayaa waxa ay ka dhacday Dugsiga The Covenant, oo ah dugsi gaar loo leeyahay oo ay dhigtaan ilaa 200 oo arday kuwaasoo dhigta dugsiga barbaarinta ilaa fasalka lixaad.



 

Haweeneyda weerarkan ka dambeyay oo la sheegay inay ahayd 28 jir ayaa ku hubeysnayd dhowr qori waxayna hore uga mid ahayd ardayda dugsiga oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tennessee.


 

Ma jiro war rasmi ah oo degdeg ah oo ku saabsan sababta suurtagalka ah ee weerarkan oo soo baxay iyadoo ciidamada booliskana ay toogasho ku dileen haweeneydii ka dambeysay weerarka.


 

Toogasho wadareedyo lagu hoobtay ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka noqotay dalka Mareykanka wax caadi ah, balse in weerarka ay geysatao qof dumar ah ayaa ah mid aan caadi ahayn. Kaliya afar ka mid ah 191 toogasho wadareed oo la diiwaangeliyay ilaa 1966, ayaa waxaa fulisay haweeney.


 

Isagoo ka falcelinaya toogashadii ka dhacday Washington, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu ku booriyay Congress-ka mar kale inay ansixiyaan sharciyo badan oo dib u habeyn ah oo dhinaca hubka ah.

Loading...
Loading...