Muse Biixi iyo afka dhegoolayaasha ?

0
Tuesday March 28, 2023 - 12:43:15 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muse Biixi iyo afka dhegoolayaasha ?

    Dadkaas oo ay ku filnayd in uu cabashadooda dhegeysto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkaas oo ay ku filnayd in uu cabashadooda dhegeysto

Waxa muuqata in kacdoon shacab dhici doono iyo gadood shacab somaliland.
Waayo? Intii uu m.biixi xilka hayay , (inkasta oo uu yahay iminka madaxweyne xilkii ka dhamaaday) ,
waxa uu sababay aafooyin qaran oo waxa uu dhegaha iyo indhaha ka furaystay cid kasta oo la talisa oo lexejeclo ka leh dalka, haday aqoon yahan tahay ama wax garad ama culimo ama ganacsato ama salaadiin ama saaxiibo caalamka ha noqoto iyo cid kasta oo bulshada ka mid ah .


Waxaanu sababay sicir-barar iyo macaluul iyo shaqo la'aan baahsan iyo albaabadii dhaqaalaha oo uu wada qufushay. Waxaanu sababay in uu gubto suuqii Waaheen oo ay bulsho badani ku noolayd.

Waxaanu sababay xadhig joogto ah iyo car juuq-dheh iyo dil iyo dhaawac iyo dagaal sokeeye oo maanta lagu xasuuqaayo dad reer somaliland ah oo uu ciidankii qaranka u adeegsaday.

Dadkaas oo ay ku filnayd in uu cabashadooda dhegeysto iyo wax garadkooda iyo garaadadooda.
Laakiin m.biixi waa nin dhego la' Oo afka dhegoolayaashana aqoon , oo kuwa dhegaha qabana
Aan maqlin oo isaga oo qudhi ismaqla.

Sidaas oo ay tahay iyo aafooyinkaa uu sameeyay, hadana doonaaya in uu kursiga iyo xukunka xoog ugu sii fadhiyo , iyada oo ay 5-tii sano ee la doortay ay ka dhamaatay .

Waxaanu kelifayaa shacabka in ay gurigiisa ugu dhacaan oo dhiig daato .
Bulshada reer somaliland waxay maraysaa gadood iyo rajo La'aan sababi kara , in nabadgelyo daro iyo xasilooni daro iyo dagaal sokeeye dhaco .

Maanta m.biixi wuu dumiyay dimuqraadiyadii iyo nidaamkii doorashooyinka ee dalku lahaa , oo dikteytar kaligii talis ah buu noqday .

Beeshii caalamka ee somaliland ka taageeri jirtay ictiraaf raadinta iyo mucaawanooyinka (way ka goosatay) .
Hadaba ninkan dhegaha la'

Miyaanu ogayn in aanay maanta dunida jirin shacab xoog lagu haysan karaa iyo jujuub
Aanu jirin.

Waxa qudha ee dalka iyo dadku ku badbaadi karayaan waa doorasho uu saddex bilood gudahood ku qabto
Oo uu ku dhawaaqo maalinta ciidda ee ramadaan dhamaato.

Hadii kale sidii Qadaafi iyo shawshisko iyo mubaarak iyo Siyaad Bare iyo number iyo aalbashid iyo qaar kale oo badan oo dunida soo maray ha sugo .


Cali Maxamed Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...