Mareykanka Oo Dalal Africaan Ah Ugu Deeqay Lacag Gaareysa Boqol Milyan

0
Tuesday March 28, 2023 - 09:01:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Dalal Africaan Ah Ugu Deeqay Lacag Gaareysa Boqol Milyan

    "Booqashadeeda ayaa ku soo beegantay xilli dalalka Afrika ay ka soo kabanayaan masiibada adduunka…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Booqashadeeda ayaa ku soo beegantay xilli dalalka Afrika ay ka soo kabanayaan masiibada adduunka…"



Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa ku dhawaaqay lacag dhan 100 milyan oo dollar oo lagu taageerayo dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada rabshadaha wata ee gobolka.

 

Waddamada xeebaha galbeedka Afrika ee Ghana, Benin, Ivory Coast iyo Togo ayaa ka faa'iidaysan doona xirmadan.

 

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamaal Harris oo ku sugan dalka Ghana oo ay socdaal ku mareyso saddex waddan oo Afrikaan ah ayaa kulamo laba geesood ah la yeelatay madaxweyne Nana Akufo Addo

 

Kamala Harries waxa ay qirtay doorka hogaamineed ee Ghana ee qaaradda waxa ayna sheegtay in mareykanku uu diyaar u yahay in uu maalgashi dheeri ah ka sameeyo si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha.

 

Waxa ay tilmaantay in booqashadeeda Ghana aanay sabab u ahayn saamaynta Shiinuhu ku leeyahay Afrika balse ay tahay sidii ay u xoojin lahayd xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay saaxiibadeedd.

 

Booqashadeeda ayaa ku soo beegantay xilli dalalka Afrika ay ka soo kabanayaan masiibada adduunka iyo duulaanka Ruushka ee Ukraine.

 

VOA


Loading...
Loading...