Sucuudiga Oo Balaayiin Dollar Ku Maalgashanaya Dalka Shiinaha
Shirkadda weyn ee
shidaalka soo saarta ee ay leedahay dawladda Sucuudigu ee Aramco ayaa maalgashi
ballaadhan oo ku kacaya balaayiin doollar ku samaynaysa dalka Shiinaha, taas oo
ay ka mid tahay, inay dalkaas ka dhisaan wershedo shidaalka safeeya, sida ay
shaacisay shirkaddani.
Maalgashigan ay ku
samaynayaan dalka Shiinaha ayaa ku soo beegmaya iyada oo shirkaddaasi ay
macaashtay sannadkii 2022 lacag gaadhaysa illaa $160 bilyan.
Sucuudiga oo wakhti
dheer saaxiib dhow la ahaa dalka Maraykanka ayaa haatan u muuqda mid u sii
janjeedhsanaya dhinaca Shiinaha.
Shirkadda Aramco ayaa
sidoo kale saami ka iibsatay qaar ka mida shirkadaha waaweyn ee dalka Shiinaha,
sida shirkadda Rongsheng Petrochemical Co. Ltd oo ay ka iibsatay saami gaadhay
10% oo u dhigma $3.6 bilyan.
Sida ku cad heshiisyada
ay wada galeen shirkaddan iyo shirkadaha shidaalka ee Shiinuhu, waxaa shirkadda
Aramco ay u dhoofin doontaa 480,000 oo foosto maalintii shirkadaha shiinaha ee
qaabilsan hawlaha sifaynta shidaalka.
VOA