Saami-Qaybsiggii Oo Noqday In Beello Gaar Ah Dagaalka Sool Lagu Badiyo ( Abdi-Shotaly).

0
Monday March 27, 2023 - 11:43:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Saami-Qaybsiggii Oo Noqday In Beello Gaar Ah Dagaalka Sool Lagu Badiyo ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Wanka Macasha Ii Qabo, Adigu Gawrac Ii Mari,Dhiigana Aan Muud-sado!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Wanka Macasha Ii Qabo, Adigu Gawrac Ii Mari,Dhiigana Aan Muud-sado!


Akhristayaal waxan halkan idiinku soo gudbinayaa, Sheeko aad u qosol badan oo ka dhalatay ururinta Ciidamo beeleedyo cusub, markii af-laabax galeen,wixii ay ku sheegi jireen shaqo qaran iyo qaar kaloo aan gebi ahaan-ba wax-ba ka jirin, laakiin ahaa magacyo la iska qortey oo lacag lagu qaadan jirey. Markii xaalku uu sidaas noqday, ee la waayey beentii la inagu odhan jirey 19000 oo ciidan ah baa jooga jiidda hore ee dagaalka, wixii yaraa ee ina Cambashe hor-joogaha ka ahaana ay tolkood raaceen, Cidla ay isi soo tageen ee cidba waayeen, intii ka joogtay-na dhamaan-ba lagu kala tegay, bay maamulka labadda askariga imika rabaan in ay ka qortaan Gobolada, Sanaag, Boorame,Togdheer Iyo Maroodi-jeex, oo ay reeraha degaa ku caban jireen " Saami-Qaybsi" Taas oo micna-heedu yahay, xaqii ama qaybtii aanu ku lahayn nalama siinin ama maanu ka helin intii uu dalku u gacan galay labadda Askari ee la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-Shaaximan" Iyo Digsi-xagatadda ay beelahoodu u adeegsa-daan, sidda "Bakhti-Dhego-weyn,Cali Bacaac ( Cali-Mareexaan) Saallo-Xero-Keenka ina Cali bile, Nabanaha Maaliyadda, Kitaab-yare, gaafaadhi, Xinif,Hilib-laha Xasan Shahar, Buuni, Bukhaari iyo qaar kuwaasi ay itaal baaska u shir tegayaan.

 

Magaaladda Boorama wax la yidhi keena1000 askari, Garxajiska Hargeysa 600, isku darka beelaha Isaaqa ee Ceerigaabo oo loo qoondeeyey in ay keenaan 1500 Askari. Waxa lagu yidhi mudo badan baad ka cabanay-seen Saami-Qaybsiga oo lahay-deen ciidamadda wax-ba kuma lihin ee imika keena ciidan lagu soo laayo Sool, waxan aqabalnay codsiggii aad doonay-seen, iyaka oo madaxddii beelaha-haas xilalkii laga fadhiisiyey sidda "Mujaahid Doolaal, Ina Xiis iyo qaar kaloo badan" Waxaana loo sheegay in doorkan looga hiiliyey Magaalooyinka kale ee dalka, oo iyaga loo badiyey Saami qaybsiga, maadama oo ay tabasho hore ka qabteen sida loo kala badsaday tirada ciidamada. 

Akhristaw Maamulkii labaddii Askari iyo wixii ay u adeegsan jireen beelaha ee loi maqaar-saari jirey, waxa ku dhacay af-kala qaad iyo u qaadan-waa aanay filayn, ee halkan hoose ka akhriso waxay kala kulmeen odayaddii Beelaha kor ku Xusan. Waxay hadal ku dhameeyeen iyaka oo si cad ugu yidhi " Qofku wuxuu rabaa wax uu u dhinto, laakiinse laguma qancin karo " Geeri-daadda ayaan shaqo kaaga dhigayaa". Ujeedadda Askartu waxa weeye, oo aan biyo is marini sheekaddii ahayd " Wanka Macasha Ii Qabo, Adigu Gawrac Ii Mari, Dhiigana Aan Muud-sado.



 

Arrinta Xiisaha leh waxay tahay, odayaasha labadda magaalo ee Borama iyo Ceerigaabo oo jawaab isku mid ah ka bixiyey. Waxana af buuxa ku yidhaaheen " Waad ku mahadsan-tihiin in doorkan aad saami-qaybsiga noo kordhi-seen, hase-yeeshee annagoo tixgeli-nayna bisha barakaysan waxaa-nu saamigaa si walaal-tinimo leh ugu deeqaynaa dad iskuma jiro'e " Reer Samatar". Kuwaas oo difaac adag ku jira' illaahinta "Xaafad-Tooyadda". 

Isla Hargeysa waxa iyana ka dhacday in ninka la yidhaaho Ina Murjin-Madoobe , reerkiisa loo diray si uu 1000 wiil uga soo qoro. Dabeed habeen hore ayuu la kulmay dhalinyarada beeshiisa, kolkii uu warka ciidanka iyo tirada loo baahan yahay u sheegay, waxay ugu jawaabeen, "Adeer Ina Murjin-Madoobaw Meel lagu soo dhimanayo annagu tegi maynee, hadaad shaqo naga siinayso Dekeda Berbera,wasaaradda Maaliyadda, Arimaha Gudaha iyo Madaarka nagu qor, haddii aan meel la naooga helayn wasaradaha la jaqaayo, Ciidamada ilaaladda Xeebaha nagu qor” oo kuwa ku soo dirtey ku dheh,tolkay wuxu idin yidhi u Dir Dagaalka Dhulbahante kuwii " Hablaha Naaska Feedh-Jilibka" Kala dhacaayey iyo ragga isu qaba-naayey in ay xiniin-yahaka garaacaan rag beello kale ah,ee uu weliba sii dalac-siiyey, anaku tegi-mayno'e.


* N.B Wanka Macasha Ii Qabo, Adigu Gawrac Ii Mari,Dhiigana Aan Muud-sado!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...