Ramadaan ma samaysatay qorshe Ruuxdaadu Ku korto

0
Monday March 27, 2023 - 11:40:48 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramadaan ma samaysatay qorshe Ruuxdaadu Ku korto

    Hadaba waxa inala gudboon in aan ka faa,idayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba waxa inala gudboon in aan ka faa,idayso


Ugu horayn waxa aynu ku jirna maalmaha u horeeya ee bisha barakaysan ee Ramadaan, waana bil aaad u qiimo badan kana duwan bilaha kale ee sanadka.

waa bil 10ka cisho ee u horeeya yihiin Raxmad iyo Naxariis, halka 10ka dhexe ay yihiin dembi-dhaaf, halka 10ka u dambeeyaana ay yihiin Cadaabta oo adoomaha laga xoreeyo.


Hadaba waxa inala gudboon in aan ka faa,idayso maalmahan kooban ee qaaliga inagu ah oo aynu dajisano qorshe maalmeed ku haboon.

Kani waa jadwal ku salaysan acmaasha aad qaban lahayd

1: xilli hore seexo habenkasta 10:00pm
2: Waxaad soo kacdaa 3:00am
3: Salatul layl ama tuhajid tuko 3:30am ilaa 4:15am
4: Toban ayadood oo quraanka kamid ah macnahooda baro ugu yaraan 20 daqiiqo, 4:15am ilaa 4:35am, ka dibna ducayso ilaa 10 daqiiqo oo illaahay waxaad rabid weydiiso 4:35am ilaa 4:45
5: Saxuuro 4:45am ilaa fajArka inta udhaxysa.

6: Markaa saxuurta cuntid kadib isku diyaari salaada subax
7: Salad subax xiligeeda tuko
8: Waxaa aqrisataa adkaru sabaax ilaa 6:00am
9: Naso ilaa 7:00am kadibna isku diyaari malintaada
10:Tuko saalatu duxaa ugu yaraan 4 rakcadood 9:00am ilaa 11:30 am
11: Markasta quraanka dhagyso

12: Salaada duhur xiligeeda tuko ducaysana ugu yaraan 20 daqiiqo
13: Salaada casar xiligeeda tuko adraaku masaa'na aqri iyo quraan
14: Ku afur markay qoraxda dhacdo waxaad haysatid kadibna ducayso oo illaahay waydiiso wax walba oo aad rabtid intaadan afurin ka hor

15: Tuko cishaha waqtigiisa sidoo kalena tuko taraawiixda ilaa 9:00pm
16: Taraawiixda kadib 5 daqiiqo waxaad ka fakartaa malintaada sidey ahyd iyo waxa kuu qabsoomay nafsadaadana waydii suaalahan.

Maxaad sameeyey ? Maxaa isbadal iiga baahan? Maxaan joojiyaa? Iyo maxaan bilaabaa?
Jadwalkani waa tusaale se acmaal intan ka badan qofku waa qaban karaa waana kolba qofku jaaniska uu hayo, ujeedkuna waa in ay ugu yaraan naftaada ay wax iska bedelaan oo khayrka iyo cibaadada ay u dedaasho inta ay shayaadiintu ka xidhan yihiin bishaana ay naftu la qabsato acmaasha suuban samayntooda.
Qodob kale ee aadka muhiimka u ah waa in qofku joogteeyo oo aanu maalin marka uu sameeyo acmaasha aanu joojin balse uu joogteeyo oo uu ku dedaalo in aanu kala goynin.

Ugu dambayn waxa aynu aduunka u joognaa waa in aynu aakhiradeena u shaqaysano oo acmaal aynu ku faraxno maalinka qiyaame aynu hormarsano, maalmahana waa maalmo qaali ah oo aynaan hubin in ay dib inoo soo mari doonan markaa wa in ay ka faa,idaysano.

Alle ayaa Mahadleh

W/Q: Ahmed Harir

Hargeisa, Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...