SSC Oo Uhanjabtay Afhayeenka Ciidanka Somaliland
Laascaanood (HWN) Afhayeenka Guddiga 33ka
ee beesha Dhulbahante Eng C/Risaaq
Falaalug ayaa fariin hanjabaada hawada umariyay Afhayeenka Ciidanka Qaranka
Somaliland Cabdi-dheere.
Cabdirisaaq Falaalug
ayaa sheegay inay Cabdidheeri gacanta kuqaban doonaan oo ay kudari doonaan
maxaabiis uu sheegay inay ka qabteen ciidanka Somaliland
"Cabdi dheeroow sidaad go’aamisey ayaa
inoo ballana, Waxaan sugnaaba adoo Maxbuus ah oo Laascaanood lagugu daro
maxaabiista kale ee aanu gacanta ku hayno, Weerarka qorsheysan ee kuu hadhey
Waa mid aad ku qarinayso Jabka kugu dhacay ee waxba hala hadhina” ayuu yidhi Afhayeenka
Guddiga SSC.
Hadalka afhayeen Gudida SSC ka soo
yeedhay ayaa daba socda hadal uu shalay Ciidanka Milateriga Somaliland ku sheegeen
in hada wixii ka dambeeyay ay iyagu weerarka qaadi doonaan oo ay ka bixi
doonaan isdifaacid uu sheegay in ciidanku ku jireen mudadii uu dagaalku ka
socday Laascaanood.