Ergadii Nabada Ee Ka Socday Muqdisho Oo Gaadhay Jiidaha Dagaalka Ee Laascanood. SAWIRO

0
Monday March 27, 2023 - 09:07:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergadii Nabada Ee Ka Socday Muqdisho Oo Gaadhay Jiidaha Dagaalka Ee Laascanood. SAWIRO

    "Wafdigan ayaa la sheegay in sidoo kale ay qiimayn guud ku samaynayaan Laascanood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wafdigan ayaa la sheegay in sidoo kale ay qiimayn guud ku samaynayaan Laascanood"

 


 



Laascaanod (HWN) Ergadii nabada ee ka soo kici tintay magaalada Muqdisho ayaa gaadhay jiidaha hore ee ciidanka Somaliland iyo Ciidanka SSC ay isku horfadhiyaan ee magaalada Laascaanood.

 

Isimada dhaqanka beelaha Hawiye, Digil iyo Mirifle ayaa jiida hore ee dagaalka ugaadhay si ay uqiimeeyaan xaalada halkaasi ka taagan.

 

Wafdigan ayaa la sheegay in sidoo kale ay qiimayn guud ku samaynayaan xaalada Magaalada Laascanood iyagoo qiimaynaya xaalada ka soo gaadhay dagaalka ka socda mudooyinkii ugu dambeeyay caasimada Gobolka Sool ee Laascanood.

 

Ergadan ayaa hore kulan ugula yeeshay qaar kamid ah Garaadada beesha Dhulbahante magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

 

Waxaanay ergadi sidoo kale shaaciyeen inay tagi doonaan magaalada Hargaysa, si’ay ula kulmaan xukuumada Somaliland, inkasta oo wararka qaar sheegayaan in Muuse Biixi diiday inay ergadaasi usoo gudubto Hargaysa.

 



Loading...
Loading...