Ingiriiska Oo Dajin Doona Soo Galootiga Doomo Dhexdooda

0
Monday March 27, 2023 - 06:24:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriiska Oo Dajin Doona Soo Galootiga Doomo Dhexdooda

    "Isticmaalka laba goobood oo milatari oo ku yaalla England, ayaa sidoo kale la xaqiijin doonnaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Isticmaalka laba goobood oo milatari oo ku yaalla England, ayaa sidoo kale la xaqiijin doonnaa"



 

Dawladda Britain, ayaa isku diyaarinaysa inay ku dhawaaqdo horraanta toddobaadka soo socda, is badal ay ku sameyn doonto hoteellada ay jiifiso muhaajiriinta dalkeeda soo magan gala.

 

Doomaha ayaa waxaa lagu badali doonnaa goobaha jiifka, ee markii hore ahaa hoteellada.

 

Si kastaba ha ahaatee, meesha saxda ah ee ay ku taal, ayaa laga yaabaa inaan la shaacin dhowr toddobaad oo kale.

 

Isticmaalka laba goobood oo milatari oo ku yaalla England, ayaa sidoo kale la xaqiijin doonnaa.

 

Qaybta ugu horreysa ee soo-galootiga, ayaa la filayaa inay u guuraan guryahooda cusub toddobaadyo gudahood.

 

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in goob kasta la dajin doono inta u dhaxaysa 1,500 ilaa 2,000 oo muhaajiriin ah.

 

Waxaa marka hore loo isticmaali doonaa dadka cusub, halkii kuwa kusugan hoteeladana loo wareejin doono.

 

BBC


Loading...
Loading...