Maamulka SSC-Khaatumo ayaa War Saxaafadeed ka soo saaray Dagaalkii Maanta ee Laascaanood

0
Sunday March 26, 2023 - 16:25:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka SSC-Khaatumo ayaa War Saxaafadeed ka soo saaray Dagaalkii Maanta ee Laascaanood

    Ciidamada xaq u dirirku waxay markasta heegan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xaq u dirirku waxay markasta heegan


Malayshiyada maamulka Hargeysa ayaa weerar ka soo qaaday laba aag oo kala ah dhinaca Bari iyo dhinaca Galbeedka ee duleedka magaalada Laascaanood, xoogaga xaq u dirirka ee deegaanku waxay hadda dagaal kula jiraan malayshiyada weerarka soo qaaday.


Ciidamada xaq u dirirku waxay markasta heegan u yihiin sidii ay weerarada malayshiyada maamulka Hargeysa uga difaaci lahaayeen deegaankooda, wayna wadayaan is difaacida ilaa ay deegaanka SSC-Khaatumo ka baxayaan.

Beesha Caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed waxaanu u sheegaynaa in maamulka Hargeysa weerarka markasta soo qaado, ayna deegaanka khatar ku yihiin iyo xasiloonida mandaqada iyo tan geeska Afrika.
Xafiiska Maamulka SSC-Khaatumo.
Loading...
Loading...