DEG DEG Sarkaal katirsan Ciidamada Puntland oo Maanta la dilay

0
Sunday March 26, 2023 - 12:08:12 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 4325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Sarkaal katirsan Ciidamada Puntland oo Maanta la dilay

    Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay...




Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland lagu dilay Alle ha u naxariistee, taliyihii saldhiga galbeed ee caasimadda Garoowe laba xiddigle Axmed Cali Shire.



 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in uu dilka ka dambeeyay Nin hubeysan oo la sheegay in uu kamid ahaa dadka waxyaabaha maanka dooriya isticmaala, waxaana Ciidamada Booliska ay sheegeen in markiiba ay gacanta ku dhigeen ninkii dilka geystay.


 

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan lagu hayo shakhsiga dilka geystay, isla markaana sharciga la hor-gayn doono.


 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Garoowe kusoo badanayay Kooxaha isticmaalaya maandooriyaha khamriga, iyada oo dhowr jeer ay magaalada Garoowe kula dagaalameen Ciidamada Booliska.

Loading...
Loading...