Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!. Qaybtii 6aad.

0
Sunday March 26, 2023 - 12:00:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!. Qaybtii 6aad.

    Hobbay Hobbay Hobbeeyaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hobbay Hobbay Hobbeeyaa.


Ramadaan Wanaagsan, Sida Gu' curtay oo xareedii Qulqulaysay toggagii butaaceen, baan Taariikh burqanaysa u qaatay qalin, oo boggag aan u moosayaa, oo Hobbaya Hiddoy Helnayeyda hayaa ye, Halkee baynu maraynay? waxa aynu soconay,-...... Iyana waxa jira Hees Hawleed iyo ciyaaro Dhaqameed ay Hooyo ama Hooyo-ley ku suntan tahay sida………Heesaha dhalaanka lagu koriyo, heesaha agabka aqalka lagu sameeyo iyo dhamaan hees Hawleedka dhaqanka Hooyo.



Hadaba marka areyga Hooyo lasuugaamaynaayo ama la murtiyeynaayo ama la xikmadaynaayo, (Hooyo = Hobbay), sida marka la leeyahay (Hobbay Hobbaaligayow = Hooyoy Hooyolay-daydiiyey), sidoo kale waxa jira ereyo ama odhaaho Hooyo u gaar ah oo ay ubadka ama dhalaanka u adeegsado, sida marka ilmo yar oo Dhalaan ah uu dhaco ama kufo ama siibto ama simbiririxoodo ee uu ooyo ama ilmeeyo waxa ay Hooyo ku tidhaahdaa (Hobbo) say Hooyadii ilmahaa intay kor u qaado, oo ay si dareen kalgacal iyo naxariis Hooyo leh inta ay dhabta u saarto, ayey si dabacsan oo taxadir leh u lulmo dhaqdhaqaajiso, ayey u qaadaa " Hobbay Hobbay Hobbeeya, ayaa Dilay oo Dagaalay….", tusaale Bal nin Wayn ama ruux Dumar ah oo kufay ku dheh HOBBO!, waxa hubaal ah in qofkaasi kugu xannaaqayo!, sidoo kale Ruux Wayn oo xanuun hayo oo taahaya ama ruux Wayn oo murugaysan intaad garbaha isla Xoodo luxlux oo u qaad "ayaa dilay oo dagaalay", hubaal inuu cadho kugula kaci!, Waayo 'Hobbo iyo Hobbeeya' waa Afka Hooyo u gaarka ah ee ay u adeegsato dhalaanka,


Sidoo kale Ciyaaraha Dhaqanka Hooyo, sida Ciyaarta Jarriirada waxa u dhextaal ah 'Alla Hobbay Helnay' oo ah 'Allow Hooyo Helnay', iyana Ciyaarta Shuulayda waxa dhextaal u ah meerisyo HOOYALAYEY ah, Iyana Ciyaarta Galbey Shinbir waxa dhextaal u ah (Halleelee hiloow waaa Hooyaaley = Taabe ama Helle ee Jacaylba waa Hooyoley), sida oo kale Ciyaarta jaandheerta "Hawdo iyo Barriyo" labadaba waxa arraar ku bilow u ah "Hobbay = Hooyoy", Halka Ciyaarta Diisowga socodka Hore Intaan lagu saamo ama Hargo tuman, waxa lagu soo heesaa Hooyaalayeey hee waa Nabadey waa khayray intaanay HOO-hoo iyo Lug ku hangalaysiga iyo inagu wadku billaaban.


Sidoo kale bandhigyada Goleyaasha heesahooda waxa dhextaal u ah 'Hooyaalaay Hooyaaley iyo sidoo kale Hobbo Helnay/Hobbay Helnay = Hooyo Helnay', (Gole waa goob la Goleeyo, oo lagu soo bandhig Ciyaaro iyo Xirfad- masraxeed iyo ruux kastaa waxa uu Hibo-uleeyahay ee uu samayn karo waa goobta lagu soo ban-dhigo, waana ta laga yidhi "Gole waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa*), malahay iminka Eraygi Gole Dhanka siyaasada waxa ay Soomaalidu/Soolisidu ku sheegto ayaa loo adeegsadaa sida (Golaha sare, Golaha Dhexe iwm). Afka Hooyo Gole waa Goob masraxeed ama fagaare murti iyo madadaalo, loo Goleeyo ama fadhi loo weegaaro iyada oo barxada dhexda loo qoondeeyo bandhiga uu qofkastaa kusoo bandhigo waxa uu xirfad da'dii ama facii dheer yahay,


Iyana marka Ceelasha ama Biyaha la dhuraayo ama ladhaaminaayo ama lashubaayo ee duunyada la waraabinaayo ama Dhaanka Biyaha loo dhuraayo, waxa loogu Heesaa Hobbaya Hiddoy Helnayey oo ah "Hooyo Helnay Hidaheedii ama Dhaxalkeedii".


Wax laga gayoon karo maaha dhaqanka Hooyo soo bandhigiisa Mana aha dhaqan faalo qoraal lagu koobi karo waayo, Dhaqanka Hooyo waa Dhaqan ay leeyihiin Ummad Guun ahi, waana dhaqan aad u facweyn, waxa se wax laga xumaado ah marka Dadka Soomaalka/Sooliska ah ay ku andacoodaan, iyaga oo majaro habaabin ku samaynaaya dhaqanka Hooyo yidhaahda Ninkii ugu Horeeyey ee Gabay Hooyo-layey Hooyo-layey ku billaabay wuxuu ahaa Nin qarnigii 20aad Noolaa!,


Beeni Raad maleh, se Run baa Raad la raaco leh, Bal eega Beenta Soomaal/Sooliska, Waxa aynu wada rumaysanahay in Diinta Islaamka uu ina soo gaadhsiiyey Diggeheenii Nabi Maxamed NNKH, Diinteena Furqaan waxa ay jirtaa Mudo 1400 hada Kun iyo AFAR Boqol oo sanadood kor martay, Magaalada SAYLAC ee kutaala Gobolka Sillil ee Jamhuuriyada barakaysan waxa kuyaala Masaajid laba Qiblo ama laba wajahadood-hore leh taas oo ka dhigan markii Qudus Qibladu ahayd ayaa la dhisay taas oo u marag ah Nabigeenii Maxamed NNKH isaga oo Nool in Diinta islaamku inasoo gaadhay, Xiligaa inaguna waxa aynu ahay Ummad Dhaqan lahayd iyo hab dhaqan wax loo diwaan gashado oo hab murtiyeed ama suugaan iyo ciyaar dhaqan ahad, oo marka goobaha bandhigyada ama cawayska ama Shirka lagu kulmana ku kala wacyi iyo war qaadan jiray, (Shir = Banaan bax murtiyeed murti iyo dheel iyo Shirrib lagu kala war qaato), sidaa aawadeed waxa aynu leenahay Ciyaar Dhaqameedo Duug ama Guun ah oo aynu kaydsano, Maxaa yeelay Halkuu dhig ayaa yidhaahda (Caado lagooyaa Cadho Alle ayey leedahay), taas oo aynu ka dheehan karno sida Illaahay ugu weynaa Dadka aynu ka joogno, ee ay Cadhada Illaahay uga waaban jireen si ayen u asiibin ama ugu habsan, sidaa aawadeed waxa ay ku faro adaygi jireen waxa ay Joogtaystaan ee u Dhaqan galay inay dhowrtaan, waxa wax Malaayiin jeer illaaha Wayn ee Weligii Jiraha ah ee Joogaha ah loogu Mahad naqo ah in Dhaqankaa Duuga ahi uu weli Dihin yahay, sidaa aawadeed Soomaali/Sooliskii ku andacoon jirtay nin qarnigii 20aad noolaa ayaa HOOYALAYEY Gabay, suugaan iyo ciyaar Dhaqameed ugu Hor bilaabay, inay waxba kama jiraan iyo Taariikh bedal tahay aan idin tuso.


SAYLAC Waa magaaladaa diinteena Islaamka ahi gayigeena ugu soo hor cago-dhigatay waxaana cadayn u ah Masaajidka labada Qiblo leh, sidoo kale Inaynu nahay Hooyoley waxa Muujinaysa Ciyaar Dhaqameedka Caanka ah ee magaca magaaladaa qadiimiga ah sidata ee la yidhaahdo SAYLICI waxa arraar dheeleed ama dhextaal u ah oo Ciyaarta Sayliciga ku Jirta (Bismilaahi Sallalaa-callaaye HOOYAALEY) waa ciyaar Dhaqameedkii Hooyo, waana ciyaar ama dheel Hooyoley oo ay ku saxeexanyihiin sidoo kale ku cadahay bilowgii Islaamka iyo Waxaan Bisinlahay barako malahada arraar murtiyeedka inoo ah, markaa Dadka ku andacooda nin qarnigii 20aad jiray ayaa Suugaanta HOOYALAYEY ugu hor yidhi!, Dee malaha Aaladahan Male-abuurka ah ee Afka qalaad (time Machine) ama wakhti Dib u Aroorshaha ah ayuu raacay suu inta uu 1300 hada kun iyo Saddex Boqol iyo Dhiidhii sanadood intuu Dib u socdaalay ayuu reer Saylacna Hooyo-leyda usoo sheegay?!.


Hadaba murankuba hayaraadee ma ogtihiin in Dadkeenii Hore ee aynu ka joognaa……………… Lasoco Qormada danbe.


Waxaan bisin lahayni barako maleh,

Bismilaahi sallalaa callaaye HOOYAALEY.

Fuad Fartaag 26-03-2023.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...