Ujeeddo: Soomaaliyeey!

0
Sunday March 26, 2023 - 11:53:07 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ujeeddo: Soomaaliyeey!

    Kaaraa-mardha ayay mar saddexaad ka dul-qeyliyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaaraa-mardha ayay mar saddexaad ka dul-qeyliyeen



Absame iyo Gari Koombo, oo in badan Tulli-Guuleed kaga qeylin jirey, ”Soomaaliyeey!”, oo cid u jawaabta halkaas ka waayey, ayaa Marar isa soo taagey.


 

Marar ayay haddana ka qeyliyeen, ”Soomaaliyeey!”. Sidii Tulli-Guuleed si la mid ah, markii ay cid u jawaabta ay halkeer na ka waayeen, ayay Kaaraa-mardha u baxeen.



 

Kaaraa-mardha ayay mar saddexaad ka dul-qeyliyeen, ”Soomaaliyeey”.


 

Buurtii Kaaraa-mardha, ayaa markan cod-naq (echo) ku soo celisey: ”Samaaloooooooooooooooow!”

 

Alla ha u naxariisto’e, Hadraawi ayaa yidhi:


 

Waxay tidhi "Hoogey

 

Hayaay Cabdi-Qaadir

 

Hareer qabo awrka”

 

Markuu hayinkeedu

 

Hagaag isu taagey

 

Ayey tidhi "haakah”

 

 

Hebloo gabanteed ah

 

Hilowna basteeda

 

Malaa u han weynna

 

Karaamadan hiirta

 

Ku soo hormanaysa

 

Hilmaanina weydey

 

Wadaadka hoggiisa

 

Ka soo hangallaystay

 

Siduu ugu hiishey

 

Ayaa tidhi "hooyo

 

Muxuu horta sheekhu

 

Inoo yahay haybta?”

 

 

Waxay tidhi "heedhe

 

Hibooy ratigeennu

 

Markuu hingan waayo

 

Ayaan huriwaaga

 

Haleel cuskadaaye

 

Habeen ma wadaagno

 

Haddaan magaciisa

 

Dantaydu higgaadin

 

Ma soo hadal qaado.”

 

 

Tixgalin mudnaan badan leh.

 

 

Maxamed Sheekh Daahir

 

[email protected]

www.tashiwanaag.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...