SSC Awood la Hollin Waayey

0
Saturday March 25, 2023 - 15:30:16 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    SSC Awood la Hollin Waayey

    Ramadaan Kariim, Dhamaan Ummada SSC Waxaan ku bogaadinayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramadaan Kariim, Dhamaan Ummada SSC Waxaan ku bogaadinayaa



Ramadaan Kariim, Dhamaan Ummada SSC Waxaan ku bogaadinayaa Sadex Tallaabo oo ay hirgeliyeen tan maalmihii ay bilaabeen Halganka :


1:Ilaalinta Midnimadooda , Dhamaan Beelaha kala duwan ee SSC Garaadada, Dhalinyaradada Siyaasiyiinta, meel kasta oo ay joogaan , Qurba Joogta -oo iyagu wacdaro dhigay- oo laga waayey wax ka hooseeyaa Midnimada Ummada SSC .



2:In ay meel iska dhigeen Khilaaf iyo in ay danta guud ka horumariyeen tooda gaarka ah, Mabda’ooda oo ku saleeyeen mid ku dhisan Midnimada Somalia , In Masiirkooda ay iyagu maamushaan , isku filan yihiin , Caruur iyo Ciroolaba isku hadaf ah , kana adag yihiin cid walba iyagoo Allaah kaashanaya .


3:In ay Dagaalka ay kula jiraan Cadowgooda 1 aad ee Somaliland uu dhab ka yahay una hureen Naftooda , iyagoo la dagaalamay meelna uga soo haray cadow 30 Sano wax dhoo dhoo ayey , awood Ciidan isbadey , dowlada ismoodey , Mudadii dagaalku uu socdey oo aan googb ka ahaa Jiidaha ,iyo meel walba oo magaalada iyo hareereeda ah , dad badan u dhinteen Halganka xoreynta Laascaanood ma aanan arag Hal Qof oo dumar iyo ragba oo u ooyaya dadkii ka dhintay , qof waliba isaga oo ku faraxsan shahiidnimada waaldikii walaalkii iwn ayuu aasayey ,dagaalkana horey ka galayey , 


Halgamayaasha kuwooda jiodaha laga soo waado ee dhaawaca ah waxaan u soo taagnaa iyagoo rag badan ii ka mid ah ay isku hayeen Bahda Caafimaadka inay sugaan intay ka bogsnaayaan iyaguna ay doonayeen iyagoo dhaawaca ay furumaha ku noqdaan , iyagoo leh ragbaan uga Imid Jiidaha ee i fasaxa iyaguna ay ka diidanaayeen oo lahaayeen rag kale ayaa ku jira dagaalkee ee sug bogsoshadaada.


Way dhacdey rag iska furey Faleembooyinka oo ku noqdey goobaha dagaalka , Jiidaha loogala daba cararay daawada iwm .


Ummada marka ay mid tahay cidina kama adka , waana sida uu Alle sw in badan noo sheegay Taariikhdaha halgankana ku xardhan.

Taariikh ayaa qormaysa .

Mowliid Ismail Diged

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...