Ilayn Magac Qof Aan U Qalmin Ma Diido ( Abdi-Shotaly).

0
Friday June 21, 2019 - 17:40:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilayn Magac Qof Aan U Qalmin Ma Diido ( Abdi-Shotaly).

    Waxa is weydiin leh, oo aan rabaa in ummadda reer Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa is weydiin leh, oo aan rabaa in ummadda reer Somaliland,

meel ay joogaan-ba bal falan-qeeyaan, arimahan hoos ku qoran, taas oo ah cinwaan ay cid waliba iska sheegato, oo ah mid qof kastaaba iska-la baxo, calaa-shaan aad ku faantid. isaga oo aan meela u soo marin, ficil uu ku qaatay iyo wax sheegaaya, sheeko iyo shaahid, maqal iyo arag mid-na aan la hayn, laakiin beri baan Xuduudda ka talaabay, oo aan af-weyne ka cararay, awgiis baan ula baxayaa, uu micna-hoodu yahay iyo sababta ay isugu yeedhayaan, qaar-kood-na sidda labadda askari " Waa Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximane" aad wax ku boob-teen iyo ha la idiinku sad buriyo, bay isugu shaamba-deeyeen, ee meesha ma qabataa? Mise waa maya? Wax la qaadan karo ma tahay? Ama lagula bixi karo Magacan la dulaystay, ee bahddii laga saaray, waa ka labadda askari, Cali waal ( Waa kaad u taqaanaan Cali Guraye), Ka ah aabaha musuq-maasaqa, eexdda, qabyaaladda, tuuga-nimadda, beenta ( waa ka aad tidhaahaan Maxamuud Xaashiye), magacan dhulka ay jiid-jiida-yaan, ee ah "Mujaahid" wax inoo cuntamaaya ma yahay? Ilayn magac qof la baxay ma diido, oo ma yidhaaho waar i daa, anigu ma ihi kii laguugu yeedhi lahaaye, waa nasiib darro ku habsatay " Mr Mujaahid" Nacas fiiro yaqaan ah iyo Fule faan badanaa, marka aan fidmo joogin, oo fariidkii halgamaayey, fajac uu u dhintaa. Waxan aad ugu naxayaa silica haysta magaca Mr Mujaahid ( Illaah haw naxariisto magacaas) waa la ceebays-taye.

 

Akhristaw ereyga la yidhaaho " Mujaahid" Waa la basaday markii cid waliba tidhi waan ahay, ee lagu xooogsi tegay. Haduu hadlaayo, naf leeyahay, oo uu damqanaayo, gar akhrisan karaayo ama awood uu wax iskaga joojiyo ama celiyo leeyahay, aar goosan karaayo, qaar aad u fara badan oo ku maxaaf-sadda, buu dhebiga u qori lahaa, qaar ka mid ahna dil iyo deldelaad buu iyana ku abaal amrin lahaa ( sidda Labadda askari" iyo kan ay u bixiyeen "Taani"  Bal yaabka jira iyo lama aragta aanu hayno, Mid kastoo Basaas u ahaa af-weyne, kuwii laxoodda ka guri jirey Xarshin ( Waa raggii ma adhigaa ka hadhaye iyo cali gurye), kuwii markay higtu yeedho, habuura u carari jirey, isagoo Herer jooga, murqaanka hargaysa xoreyn jirey ( waa Geenyo shaaximane), Waxa la yidhi shimbiri weligeed maalin bay dab qaadoo, ayaan-tiina uun alle bay gubtaye, mar buu dagaal galay noloshiisa, malaintiina waa tii maca Axmaaraddii dib loo soo qabqabtay, ee (ihun) Harag-waafi dib ugala baxay Dhkhtarka Burco., sidaas buu weliba ku sheegtaa mujaahid iyaba waa yaabka-kaabkiise qaar ay kuwaasi dad u yihiin ( Sidda Gaafaadhi), Ina Waran-cade, Ina cali waraabe, Ina Cabdi-dheere, Ka war-baahinta ee yidhaahaan Maxamed Muse ( Maxamed dhataqle), laguma soo koobi karo hal qoraal iyo inka badane, maanta waa wadda mujaahid ( Subxaanka yaa cadiim),

 

Waa iska duni aakhir-sabana iyo hawla-heede, Magacaasi wuu iska ba'ay, oo wax jira maaha wakhtigan, ilayn anba ( Abdi-shotaly ahaan), waxan ahay, oo aan sheegtaa mujaahid ee wax baanan ku boobin, sababta oo ah niyadda baan ka dagaala-maayeye, ee xuduudda uun baanan ka talaabine. Ma idin-la tahay in aan magacaas lagu kaajay ka bedelo, raggii-raga ahaa? Ma kuwan soo socdda iyo kuwa aan sare ku sheegay, baa labaduba yidhiin mujaahidiin? Bal maxaan ugu yeedhnaa kuwan hoos ku qoran:- Ina Koodbuur, Aadan Cade, Maxamed Cali, Ina saleebaan weyne, Lixle, Cabiraxmaan Maxamed Case, koosaar, Dhega-weyne, Ahmed Mire, Harag-waafi, C/rahman aw cali ( Laba-tole), Maxamed Mooge, Talaata Codle, Duuliye Xayd, Ina habane, Xuseen dheere, Xasan kayd, Ina macalin haaruun, Cawil Cadami Iyo ugu dambayn ninkii dalka ku xoreeyey 6 bilood oo qudha C/rahman Tuur. Akhristaw wax la soo koobo way ka badan yihiine, u soo duceeya intii dalkan ku soo shihiiday, ee magaca lagu qadhaabto lahaa ( Waa Mujaahide), Waxan meesha hadda siddii shini kaaluf galay, oo caydh ah ka yaw lehena, ha la yidhaaho wakhtiggii halgankii, waxad ahaydeen fulayddii dabadda xaska gelin jirey, marka rag is hayo, ee goor maad dad noqoteen? Markii dagaalkii dhamaaday, Baad ahaateen kuwii la yidhi " Ma dumaalo naagaha ninkay nolol ku dayr-shaan"

* N.B Nacas Fiiro Yaqaan Ah Iyo Fule  Faan Badanaa,

Qopre:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...