Waaliddii Oo La Ogaaday Ciday Tagay (Abdi-Shotaly).

0
Saturday March 25, 2023 - 15:04:45 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waaliddii Oo La Ogaaday Ciday Tagay (Abdi-Shotaly).

    * N.B Aduun-Yadda Nin Nooloow, Maxaa Aragti Kuu Laaban'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Aduun-Yadda Nin Nooloow, Maxaa Aragti Kuu Laaban'


Ilaa iyo maalintii uu Rabbi aduunkan udub-keedda taagay, ee uu quraanka inoogu sheegay in uu ku dhamays tiran 6 cisho oo keliya, hadaba waxa jiray ilaa iyo wakhti-gaas, wax uu bani'aadamka dul saaran dhul-kani ay u bixiyeen ereyga loo yaqaano "Waali" Akhristaw wixii quruumo rogmay, wixii Ambiyo, Nebiyo iyo Rusulo Illaahay u soo direy, oo uu ugu horeeyey "Nebi Aadam" (CSW). 


Xataa Afarta Diimood ee illaahay inoo soo dejiyey, waa kuwa loo yaqaano " Kutubal-Samaawiya" Oo micnaheedu yahay "Kutubtii La Inagu Soo Dejiyey" kuwaas oo kala ah Subuur, Injiil, Hibro Iyo Furqaan. Intaas oo " Diimood,Rasuuladdii uu u damveeyey Nebi Mohamed iyo Nebiyaddii uunkan soo maray sidda Nebi Nuux, Ibraahim,Yuusuf,Aadam iyo intii kale-ba, ama Dhakhaatiirtii caalamka wax ka daawayn jirey, ma jirto mid qudha oo inoo sheegay, waxay aynu u naqaanay ama u haysanay sidda dhakhtaradu inoogu sharaxeen,in ay tahay "Waalidu Cudur Maskaxdda"

Haddii aad intaas ila fahantay,Wax intaas dhaaf-siisan aan sare ku soo qorey haba-yaraatee may jirin. Lama garanayn Ama lama aqoon, asal-kaba Waalidu waxay tahay, sidda ay u eeg-tahay, qaabka ay socoto, midab-keedda, hadal-keedu nooca uu yahay, waxa ay ka samaysan tahay, mid ay tahay waxa-yaabahan soo socdda ee kala ah "Jin iyo Jaan, Insi, Xayawaan, Dhir,Geedo Dhagax, Bir, Naxaas, Maar, Ciid, Biyo, Hawo iyo dhamaan-ba wax-yaabaha uu daayin Cirka iyo dhulka dhex-doodda dhigay nooc kaste oo ay yihiin-ba. 

Mana jirin wax lagu tilmaamo, oo la yidhaaho waa noocaas amazed sidaas bay tahay. Waynu arki jirney,oo way ina soo mari jirtey, dib-na way u dhici doontaa In la yidhaaho " Hebel ama Heblaayo" Way Waalan yihiin, ee ha la daweeyo, laakiin-se may jirin wax inoo qeexa " Sifaha Waalidda" Wax badan waa aynu soo aragnay dad maryaha xoorey iyo qaar sita dharka intaba, kuwwas oo la leeyahay wax baa u dhiman, laakiin-se waxa u dhiman lama aqoon ama lama garanayn, ee wuxuun baa la odhan jirey caadi maaha, markaad tidhaaho maxaa ka si ah? Waxa la isu sheegi jirey, maskaxdda baa qof-kaas ja jiran yahay, oo wuu xanuun-sanayaa, ogay oo jira-daas si dhab looma aqoon. 

Nin baa waxa laga hayaa "Ma Anna waalan mise Cadan baa laga heesayaa" Runtii inaga baa waalan,ilayn Waalidda laf-teeddii baynu daba fadhinaaye, xagan hoose bal ila akhri oo dhamayso.Illaah ha u naxariisto'e Abwaankii weynaa ee la odhan jirey " Laf-Cambe" Baa waxa ka mid ahaa murtiddii uu inooga tegay " Aduun-yadda nin noolaw maxaa aragti kuu laaban" Allaa-yarxamo, waa run-tiisa oo qofku marka uu sii noolaado-ba, wuxu la sii kulmayaa cajaa'ib hor leh, oo taariikh-dda ku jirin sheeko iyo shaahid mid-koodna, la soo marin ama maqlin-ba oo cusub.

Waxa sidaas uu xaal ku meeraysto-ba ummad-yahay waa csyn-kaas uu Abwaan "Laf-Cambe" yidhiye, maanta bay lnu haynaa wixii la odhan jirey " Waaliyi " Waxay tahay, qaabka ay u eeg-tahay, wax u qabsato, socoto,isu-maamusho, sidda ay dadka u waasho, ee ku soo dhawaw si aan kuu tuso " Waaliddii" Aduunku garan la'aa in ay noqotay wax dad u eeg ama sheegta ( ogaw-se maaha bani'aadam ee wuu shabahaa) iyadaa oo isu ekaysiisay " Qof" Bani'aadamka ka mid ah, waxana ay akhirkii fadhiisatay, kolkii loo sii dhabo-galay Askariga la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay". 

Waayo waa shakhsi-gaas, aan qawl-ba lahayn, ee mar ku leh " Oday reer baan ahay" Mar wax aanu geyin, qabana karin, aqoon u lahayn sheegta, sidda madax-weyne, mar ay ugu yeedhaan kuwa baadhaa wax u bixiyeen " Mujaahid" Waa kaas ku leh Sakdaddii Awel waan bedelay, Gudiddii Garxajis uu doortay,waxan ka daba sameeyey, Gudi-Calooleed gacan ku rimis ah, Dhulbahante iyana waxan u samaynayaa 13 Garaad ooaan isticmaalo. Bam maxaa ka galay reerahan,yaa u dirtay, sawkan ku andacoodda waxan ahay madax-weyne.Waxan uu samaynayaa ma waxa ka mid yohiin " Hawlaha Madaxnimadda uu sheegto" Waa maha ee dee waa " Waaliddii" Kolba maayad keeni jirtay.

* N.B Aduun-Yadda Nin Nooloow, Maxaa Aragti Kuu Laaban'

Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...