"Ciidanka Somaliland xoog ayaa Gooja-cadde lagaga saarayaa"

0
Saturday March 25, 2023 - 10:42:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ciidanka Somaliland xoog ayaa Gooja-cadde lagaga saarayaa"

    "Ciidanka Gooja-cadde fadhiyaa, fadhiyi maayo, waa hubaal in aanu fadhiyayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanka Gooja-cadde fadhiyaa, fadhiyi maayo, waa hubaal in aanu fadhiyayn"


 


Hargaysa (HWN) Guddoomiyihii hore ee ururka Shacabka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye, ayaa markale ku baaqay in ciidamada Somaliland laga raro Gooja-cadde.

 

Xagla Toosiye oo waraysi siiyay SSTV, ayaa ku goodiyay in ciidamada Somaliland  xoog lagaga saari doono Gooja-cadde haddii aanu madaxweyne Muuse  Biixi Cabdi, si nabad ah kaga saarin.

 

Waxaanu yidhi."Ciidanka Gooja-cadde fadhiyaa, fadhiyi maayo, waa hubaal in aanu fadhiyayn, ama caqli ayaa imanoo wuu la bixi, ama xoog ayaa lagaga saarayaa meesha, dadka deegaanka way ka go'antahay in ay dalkooda iyo dhulkooda u madax bannaanaadaan".

 

Waxa uu sheegay in ay fiicantahay in ciidamada Somaliland si nabada kaga tagaan gobolka, isaga oo sheegay in khasaare badani ka iman karo haddii ay noqoto in xoog la isticmaalo, balse xoog la adeegsan doono haday ka fursan waydo.

 

Waxa uu Somaliland mar kale ku eedeeyay in ay dhibaato ka gaysatay magalaada Laascaanood, isaga oo sheegay in Laascaanood ay ahayd magaaladii ugu waynayd ee ururkiisu taageerayaasha kulaha, isla markaana dhibaatada dhacday darteed uu Somaliland uga baxay.

 

Waxa uu sheegay in ay Laascaanood ka dagaalamayaan ciidamadii deegaanka, ciidamo hab qabiil uga soo gurmaday deegaano Puntland kamid tahay iyo ciidamo ka tirsanaa dowlada Soomaaliya oo iyaguna hayb ahaan usoo gurmaday.



Xagla Toosiye ayaa hore u hagaamin jiray jabhad la odhan jiray SSC, isagoo markii danbe heshiis la galay Somaliland, isla markaana kasoo qabtay xilal wasiir ilaa oo uu markii danbe furtay urur la yidhaa Shacabka kaasi oo uu dhawaan iska casilay.

Loading...
Loading...