Taliyaha Ciidammada Danab Oo Beeniyay In Ciidammadiisu Ay Qeyb Ka Yihiin Dagaalka Laascaanood

0
Saturday March 25, 2023 - 09:13:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidammada Danab Oo Beeniyay In Ciidammadiisu Ay Qeyb Ka Yihiin Dagaalka Laascaanood

    "Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab"

 

 

Taliyaha ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya ee uu tababaray Mareykanka, ayaa gaashaanka u daruuray in ciidammo ka tirsan taliskooda ay ka qeybqaadanayaan dagaalka todobaadyada ka socda magaalada Laascaanood.

 

Korneel Axmed Cabdullaahi Nuur "Beeryare” ayaa bayaan uu ku daabacay bartiisa Twitterka, waxa uu ciidammadiisa uga fogeeyay warar la isla dhexmarayay maalmahan oo sheegayay in sarkaal ka tirsanaa hogaanka ciidammada Danad lagu dilay dagaalka Laascaanood.

 

"Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan, uu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021,” ayuu Korneel Beeryare ku yiri bayaanka.

 

"Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab waqtiga uu ku dhimanayay dagaalka ka socda Laascaanood,” ayuu sii raaciyay Beeryare.

Korneel Axmed Beeryare ayaa intaas ku daray in bayaanka uu haatan soo saaray uu rajaynayo inuu qeexo dowrka ciidammada Danab kaas oo uu ku tilmaamay inuu ujeedkiisa asaasiga ah yahay in gudaha Soomaaliya ay "kula dagaallamaan ururrada argagixisada”.

 

"Waxaan doonaynaa inaan hoosta ka xariiqno in ciidammada Danab aanay ka weecan doonin ujeedadaas, sidoo kalana aanay ka qeybqaadan doonin iskudhacyada qabiillada iyo arrimaha qabaa’ilka la xiriiraba.”

Wararka maalmahan la isla dhexmarayay ayaa tilmaamayay in sarkaal lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Suleymaan, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo mar soo hogaamiyay urur ka tirsan ciidammada Danab, uu ku dhintay dagaalka Laascaanood.

 

Maxamed wuxuu mar soo noqday taliyaha ururka afaraad ee guutada kumaandooska ah ee Danab, kuwaas oo saldhigoodu yahay xerada ciidamada Ballidoogle ee uu Maraykanku gacanta ku hayo.

 

Markale wuxuu noqday taliyaha cutub boliis khaas ah, oo shaqadoodu tahay in ay baaritaano ka sameeyaan goobo aan laga fileyn oo kamid ah caasimadda Muqdisho. Inta badan dadku waxay ciidammadaas u yaqaannaan 'Booliska Guurguura'.

 

Taliyaha Ciidammada qalabka-sida ee Soomaaliya, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, oo BBCda lahadlay ayaa sheegay in sarkaalkii isaga oo xubin ka ah ciidanka qaranka qayb ka noqda colaadda Laascaanood uu sidaas ku wayn karo xubinnimadiisa.

 

Mar aan si gaar ah wax uga waydiinnay arrinta Taliye Maxamed, wuxuu sheegay in uusan xasuusan magaca sarkaalkaas, balse uu waayay xubinimadiisii ciidanka marba hadii uu ku biiray dagaalka Laascaanood.

 

Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore jeedisay eedeymo la xiriira in ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ay ka dagaalamayaan gudaha Laascaanood.

 

Hasayeeshee taliye Odowaa wuxuu ku adkeystay in aysan jirin askar xubno ka ah ciidammada qalabka-sida ee Soomaaliya oo ay ku ogyihiin dagaalka Laascaanood, askarigii ku biirana uu lumin doono xubinimadiisa ciidanka.

 

BBC


Loading...
Loading...