Garaad Jaamac G. Ismaaciil Iyo Ergo Uu Hogaaminayo Oo Kulan La Qaatay Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland.

0
Friday March 24, 2023 - 20:18:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garaad Jaamac G. Ismaaciil Iyo Ergo Uu Hogaaminayo Oo Kulan La Qaatay Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland.

    "Odayaal dhaqameed kasoo jeeda Beelaha Hawiye, Digil & Mirifle ayaa iyaguna ku wajahan Puntland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Odayaal dhaqameed kasoo jeeda Beelaha Hawiye, Digil & Mirifle ayaa iyaguna ku wajahan Puntland"

 



Hargaysa (HWN) Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in galabta qaar kamid ah garaadada beesha Dhulbahante ee fadhigoodu yahay magaalada Laascaanood uu kulan kula yeeshay Magaalada Garoowe.

 

"Waxaanu  kulan Afur iyo soo dhoweyn ah la qaadanay  Isimada dhaqanka SSC ee kala ah Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Suldaan Mustafe Awseed ,Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi iyo Garaad Cabdisalaan Xasan” ayuu Axmed Karaash ku yidhi qoraal uu baahiyay.

 

Odayaal dhaqameed kasoo jeeda Beelaha Hawiye, Digil & Mirifle ayaa iyaguna ku wajahan Puntland waxaanay waanwaan ka dhex bilaabayaan Somaliland iyo SSC.

 

Ergadan oo la sheegay in Dawladda Federaalku door ku leedahay ayaa Garoowe kula kulmaya qaar kamid ah isimada dhaqanka ee SSC waxaanay kala xaajoonayaan hanaankii wada-hadal loogu soo afjari lahaa dagaalka mudooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa magaalada Laascaanood.

 

Geesta kale waxa wararku tibaaxayaan in ergadani Hargeysa u sii gudbi doonto si ay ula kulmaan Muuse Biixi iyo xukuumadiisa.

 

Maaha markii ugu horaysay ee ergo dhaqan ay isku daydo sidii wada hadal loogu dhamayn lahaa colaada Laascaanood.



 


Loading...
Loading...