Wax Badan Ka Ogoow Cabitaanka Fiimtada Iyo Xaqiiqada.

0
Friday March 24, 2023 - 12:48:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Badan Ka Ogoow Cabitaanka Fiimtada Iyo Xaqiiqada.

    W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi



 

Bismillah,

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa cabitaanka loo yaqaano "Vimto” oo aad looga cabo gayiga soomaalida iyadoo dad badan ay ka aaminsan yihiin inay caafimaadka u roon tahay ama lagu daaweeyo xanuuno kala duwan, taasoo keentay in dadka xanuunsan iyo haweenka umusha ah lagula dardaarmo!.



Marka ugu horayso aan qoraalka ku bilaabo taariikh kooban ee ku saabsan cabitaankaan, waxaa cabitaankaan asalkiisu ka soo jeedaa dhulka ingiriiska, waxaana sameeyay nin la oran jiray "Nicholas” sanadka markuu ahaa 1908 oo hadda laga joogo 109 sano.

 

Ninkaan wuxuu ahaan jiray dadka wax ku daaweeyo dhirta iyo geedaha, wuxuuna cabitaankaan u sameeyay daawo ahaan markii ugu horaysay, taasoo laga garan karo magaca cabitaanka u bixiyay oo laba eray ka kooban: "VIM” oo ah awoodda iyo caafimaadka qofka iyo "TONIC” oo ah soo celin ama kobcin.

 

Wuxuu sheegay ninkaan markii hore in cabitaankiisu uu ka samaysnaa illaa 23 geedo daaweed oo la isku daray, kuwaasoo uu diiday inuu magacooda sheego, waxaana waqtiyadaas laga heli jiray kaliya dukaamada lagu gado daawo dhireedka, muddo ka dib cabitaankii wuxuu yeeshay suuq, wuxuuna ninkii bilaabay olole ah in daawo ahaan loo aqoonsado cabitaankiisa, 4 sano ka dib wuu ku guuleystay oo dowladda ingiriiska waxay cabitaankii oo weli magaciisii hore wato u aqoonsatay inuu yahay "daawo”, waxaana lagu daray liiska daawooyinka (1912).

Sanadkii ku xigay 1913, aqoonsigii waa lagala laabtay baaritaan dheeraad ah ka dib, waxaana loo aqoonsaday "Vim Tonic” inay tahay cabitaan oo aysan daawo ahayn, waxayna shirkadda magacii u soo gaabisay "Vimto”, laakiin maadaama magac daawo mar loo aqoonsaday, suuq fiican ayay heshay, shirkaddiina waxay fursad u heshay inay cabitaankii la geeyo dukaamada iyo suuqyada lagu gado cabitaannada caadiga ah, welina lagu sii beeciyo dukaamadii dhir daaweedka.

Cabitaanka Vimto waxaa la bilaabay muddo ka dib in loo qaado ciidamadii ingiriiska ee joogay dalka India, kadibne rag hindi ah ayaa dalka sacuudiga u keenay suuq geyn, waxaana cabitaankii la wareegay shirkad laga leeyahay dalka sacuudiga oo halkaasi ka aasaastay warshadda ugu wayn ee Vimto leedahay, waxaana looga dhoofiyaa illaa iyo maanta dalalka carabaha oo ay soomaaliya ku jirto.

Wuxuu cabitaankaan dalka soomaaliya soo gaaray muddo laga joogo ku dhawaad 50 sano, waxaana illaa iyo hadda bulshadu badankeed aaminsan tahay in cabitaankaan laga leeyahay dalka sacuudiga ama dalal kaloo carab ah.

 

Wadamada ugu badan ee laga isticmaalo waa carabaha, waxaana la qiyaasaa in sanadkiiba laga beeciyo in ka badan 35 million oo dhalo vimto ah, kala bar beecintaas waxay dhacdaa bisha barakaysan ee Ramadaan iyadoo la aminsan yahay inay u roon tahay qofka sooman si uu tamar iyo awood uga helo, waana dhif in laga waayo miiska afurka!. diraasad ay haddda ka hor samaysay BBC-da si ay u ogaato sababta carabtu ay Fiimtadu u cabto bisha ramadaan, waxaa lagu ogaaday inay tahay caado dhaqameed ay ka dhaxleen aabayaashood.

 

Sababaha ka dambeeyo in cabitaanka Vimto loo arko daawo ahaan:

Maadaama Vimto markii ugu horaysay ay suuqa ku soo gashay magac daawo ahaan, aad ayay uga faa’iday shirkadda, waxayna illaa 90-meeyadii loo xayaysiin jiray cabitaan caafimaad ahaan, tan ayaa keentay in bulsho walba ay ka aaminto waxyaabo kala duwan in lagu daaweyn karo sida dhiig-yarida, nafaqo-la’aanta, cunno-xumada, dhiig-baxa, tiibishada iyo lafo-jajabka, taasina ma ahan mid sax ah sida aad ku arki doontid qeybaha hoose.

Maadaama cabitaanka Vimto in ka badan 100 sano laga daba waday xayaysiin lagu qiyaasay in balaayiin dollar ku baxday, iyadoo weliba lagu sheegayay inuu caafimaadka u roon yahay, waqti aqoontuna yar tahay ay ahayd, waxay shirkadda ku guuleysatay inay si sahlan suuq ku hesho, waxaana illaa iyo hadda laga isticmaalaa in ka badan 65 wadan, waxaana lagu tiriyaa Vimto inay ka mid tahay shirkadaha fara ku tiriska ah ee ku badbaaday xayasiinta.

 

Maadaama cabitaanka uu nooga yimid dal islaam ah oo bulshadu aysan ka didsanayn, weliba adeegsiga cabitaanka lala xiriiriyay xilliyada soonka oo lagu afuro iyo xajka oo hadiyad ahaan looga keeni jiray, aad ayay bulshada ugu dhex faaftay in daawo iyo cabitaan ahaan loo isticmaalo si shakki la’aan ah.

 

Maadaama badanaa Vimto-da dalka la keeno ay tahay nuuca "Vimto Cordial” oo ah midka tiqda ah oo aan la barxin, taasoo boqolkiiba 90% shirkaddu ku samayso dalka sacuudiga, waxaa dadka laga dhaadhiciyay in aan la wada cabi karin, ayna u baahan tahay in la qasto sidii daawada, inyarne laga cabo, waxaadna ka dareemi kartaa sidii ay hooyooyinkeena ma ayeeyayaasheena u isticmaali jireen iyagoo furka ku cabi jiray iyadoo aan la barxin subaxdii iyo habeenkii daawo ahaan, laakiin taasi waa khalad dadka laga dhaadhiciyay oo aysan shirkaddu ugu tala galin, maxaayeelay waa qaab ka mid ah qaababka cabitaannada shirkadaha u sameeyaan, iyadoo la barxay iyo iyadoo aan la barxin, midka la barxay wuu ka raqiisan yahay midka aan la barxin!

 

Waxaa waagii hore jiray dhakhaatiir badan, inkastoo hadda ay yaraadeen oo bukaanada kula dardaarmi jiray inay fiimtada cabaan si ay awood u helaan, laakiin daawo ahaan uma aysan qori jirin!.

 

Maadaama cabitaanka Vimto uu wadanka yimid iyadoo aan la aqoon cabitaannada dhalooyinka ama gasacadaha ku jiro, way sahlanayd in daawo ahaan dadka looga dhaadhiciyo maadaama bulshadu ay taqaanay sharoobooyinka daawo ahaanta loo isticmaalo.

Dad badan ayaa yiri in midabka fiimtada darteed ay dadka u aamineen in dhiig-baxa iyo dhiig-yarida u roon tahay, taasi sax ma ahan, laakiin waa laga yaabaa in fikraddii khaldanayd ay sii kaalmeysay.

 

Maxay Vimto Ka samaysan tahay?

Inkastoo muddo badan ay shirkaddu diidanayd inay shaaciso waxa cabitaankeeda laga sameeyay, laakiin muddo dhaw ayaa la ogaaday inay ka samaysan tahay waxyaabahaan:

1- Biyo lagu daray cunsurka Carbon-ka.

2- Boqolkiiba 3% waa dheecaan furuto sida cinabka iyo tuutka.

3- Aashitada "citric acid” iyo "malic acid” (Waa fiimtada qaar ka mid ah)

4- Dhadhan iyo caraf la sameeyay oo shirkadda u gaar ah.

5- Rinji ama color la isku daray oo cunnooyinka lagu midabeeyo oo shirkadda u gaar ah.

6- Walxo cabitaanka lagu xifdiyo sida "Potassium sorbate” iyo "Sodium Benzoate”).

7- Sokor (Vimto aan sokor lahayn way jirta).

 

Shrikaddu waxay samaysaa dhowr iyo toban nuuc oo Vimto ah, waxyaabaha asalka ah waa iskaga mid, laakiin waxyaabo lagu dardaro ama laga saaro way jiraan.

 

Vimto iyo Caafimaadka:

Vimto waa cabitaan ka mid ah cabitaannada la qasto, ma ahan daawo lagu daaweeyo cudur ama cillad qofka ku dhaco, haddii la barbardhigo cabitaannada kale ee soda-da sida Pepsi iyo Cocacoladu way ka dhib yar tahay markii la fiiriyo qaabka loo sameeyo iyo waxa laga sameeyo. Sidoo kale Vimto looma isticmaali karo nafaqo ahaan, lagumana daawayn karo nafaqo darrida sida bulshadu qaar u isticmaasho.

 

Ma jiro cudur la magac dhabay oo laga qaado cabitaanka fiimtada, laakiin taasi kama dhigna inay caafimaadka u roon tahay, caruurta yaryar iyo hooyada uurka leh looma siin kaor nafaqo ahaan.

 

Haddiiba la isticmaalayo, waxaa roon in caano lagu darsado inta biyo lagu dari lahaa ama sideeda loo cabi lahaa, khaasatan markii aad ku afuraysid adigoo gaajaysan. Laakiin dadka sideeda ku isticmaala iyadoo aan la barxin waxay ka qaadi karaan xanuunka gaastirikada iyo laab-jeexa.

 

Haweenka ku jira xilliga umusha ama dadka xanuunka la jiifo, waxaa haboon wax dabiici ah oo waxtar u leh ayaa buuxa in loo hadiyeeyo ama lagula dardaarmo meeshii looga gayn lahaa cabitaanka Vimto.

 

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...