Ciidamada Talyaaniga Oo Soo Badbaadiyay In Ka Badan 700 Oo Tahriibayaal Ah

0
Friday March 24, 2023 - 12:35:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Talyaaniga Oo Soo Badbaadiyay In Ka Badan 700 Oo Tahriibayaal Ah

    "Doontan ayaa la arkayay kahor inta aysan degin balse maraakiibta Booliska ayaa ku guuldareystay…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Doontan ayaa la arkayay kahor inta aysan degin balse maraakiibta Booliska ayaa ku guuldareystay…"



Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad 750 tahriibayaal ah labo howlgal oo kala duwan oo ay sameeyeen xeebaha koonfureed ee dalkaasi, saacado kadib markii ugu yaraan shan qof oo kasoo baxay xeebaha Tunisia ay ku dhinteen 33 kalena weli lagu la’yahay.

 

Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ilaa 295 qof laga soo badbaadiyay doon kalluumeysi oo lagu qabtay meel 167 km u jirta xeebta bari ee gobolka Calabria, halka qiyaastii 450 laga soo badbaadiyay markab kale oo kalluumeysi oo 185 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Syracuse ee koonfurta Sicily.

 

Howlaha samatabixinta muhaajiriinta ee Talyaaniga ayaa isha lagu hayay tan iyo bishii Febraayo 26-keedii kadib markii markab ku degay meel u dhow xeebta Calabria ay ku dhinteen ugu yaraan 88 qof, 10 kalena la la’yahay.

 

Doontan ayaa la arkayay kahor inta aysan degin balse maraakiibta Booliska ayaa ku guuldareystay in ay gaaraan, cimilo xumo awgeed.

 

Laakiin siyaasiyiinta iyo hay'adaha samafalka ayaa su'aal ka keenay sababta maraakiibta Ilaalada Xeebaha, oo u diyaarsan howlgallada badan aysan u soo badbaadin muhaajiriintan.


Loading...
Loading...