Wasiir Ka Tirsan Dawlada Federaalka Ah Soomaaliya Oo Laga Hor Istaagay Galmudug
Dhuusamareeb(HWN):-Maamul goboleedka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ka hor istaagay inuu ka soo dago wasiirka arimaha gudaha dawlada federaalka ah Cabdi Maxamed Sabriye.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan Galmudug ayaa la dhigay garoonka dayuuradaha magaalada Dhuusamareeb oo ay ku wajahneyd diyaarad ay la socdeen wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka ambabaxay Muqdisho.
Ciidamada milateri ah ayaa la dhigay Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus, waxaana ay arrintan ka danbeysay markii wafdiga wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya ay ka duuleen magaalada Muqdisho, lana filayay inay ka degaan magaaladaasi.
Saraakiil ka tirsan ahlu sunna iyo Galmudug ayaa sheegay in ciidamadan loogu talo galay iney ka hor tagan wafdiga Wasiirka arrimaha gudaha ee halkaas ku wajahnaa.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradii ay la socdeen wafdiga wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye loo wareejiyey degmada Guriceel, ka dib markii uu soo baxay wararka sheegaya in ciidamo la wareegeen garoonka diyaaradaha ee dhuusamareeb.