Waa Kuma Hogaanka Cusub Ee Tigrey Getachew Reda?
Raysal Wasaaraha
Itoobiya Abiy Axmed ayaa hogaanka cusub ee gobolka Tigrey u magacaabey Getachew
Reda
Getachew Reda waa mid
ka mid ah ragga magacyadooda sida weyn loola xidhiidhinayey dagaalka labada
sano socday ee u dhexeeyay TPLF iyo dawladda dhexe ee Itoobiya. Wuxuu Getachew
si joogta ah ugasoo muuqanayey warbaahinta caalamiga ah inta uu socday dagaalku
isaga oo matalaya ciidamada Tigreyga.
Getachew reda ayaa
xilal sarsare kasoo qabtay xisbiga, Gobolka iyo dawladda dhexeba. Wuxuu soo
noqday xubin ka mid ah guddiga dhexe, Kaaliyaha madaxweynaha iyo af hayeen u
hadla ururka TPLF ee ka talinayey gobolka Tigrey.
Ka sokow in uu soo
noqday la taliye sare ee xafiiska raysal wasaaraha iyo wasaaradda arrimaha
dibadda ee dawladda federaalka ah, waxa uu Getachew sidoo kale soo noqday
wasiiru dawlaha wasaaradda is gaarsiinta iyo xilal kale oo sar sare.
Mastar Reda, oo
jaamacadda Addis Ababa ka haysta shahaadada kowaad ee jaamacadda ee sharicga
iyo shahaadada labaad ee jaamacadda ee sharciga oo uu ka qaatay jaamacadda
Alabama ee dalka Maraykanka, wuxuu isla maadadan kasoo dhigay jaamacadda Mekele
ee xarunta gobolka Tigrey.
Getachew reda ayaa ahaa
mid ka mid ah hogaanka siyaasadda ee kooxdan kaas oo meela kala duwan ka
shaqeeyay tan iyo markii uu weynaaday khilaafka u dhexeeya dawladda dhexe iyo
TPLF iyo markii uu dagaalku bilowday.
Intii uu socday
dagaalku waxaa si weyn loogu xasuustaa inuu caan ka ahaa warbaahinta caalamiga
ah iyo baraha bulshada labada isaga oo ku hadlaya afka Ingiriiska iyo kan
axmaarigaba, isaga oo ka hadli jiray doodana ka qayb gali jiray xogaha ku
saabsan ciidamada Tigrey ee dagaallamayey.
Intaas ka sokow
Getachew ayaa ahaa qofka isaga oo matalaya Tigrey dhankooda u saxiixay
heshiiska dhex maray dalwdda federaalka iyo Tigrey, heshiiskaas oo soo af jaray
dagaalka dhiigga badan ku daatay ee kobolka ka socday mudad labada sano ah.
Dagaalka ayaa mar laga
quustay iyada oo laba jeer fashilmeen xabbad joojin lagu baaqay.
Dr Cali Sheekh Axmed
Dhagaweyne, oo ku xeel dheer arrimaha amniga iyo militariga ayaa aaminsan in ay
adag tahay sida uu maamulka federaalka ku oggolaado arrintaas.
Sida uu sheegay
khabiirkan, Itoobiya ayaa dhaqan u leh in marka uu dagaal dhaco aan nabad la
qaadanin, ilaa meesha ugu dambeysa la isla gaaro.
"Taariikhda markii
aan eegno, reer Itoobiya ma aha dad si nabad ah wax ku kala qaata, arrintoodu
waa 'ninkii roonaada ayaa reerka u haraya', marka cid walba awood unbaa lagu
muquuniyaa mooyaane cid jacayl cid lagu muquuniyo ma jirto," ayuu yiri Dr
Cali Sheekh Axmed.
Hase ahaate ka dib
markii uu dhacay dagaal aad loogu hoobtay labada dhinacba balse dhinaca
Tigreyga iyo dadka rayidka ah ay dhibaato weyn soo gaadhey ayey isla garteen in
heshiis wax lagu dhameeyo iyada oo masuuliyiinta labada dhinac ay ku kulmeen
dalka Koonfur Afrika heshiisna ay halkaas kuso gaareen kaas oo ugu dambeyntii
hor seeday in hogaanka cusub ee Tigrey loo magacaabo Getachew reda.
"Waxay ila tahay
in ay tahay xeelad dagaal oo sir ah ama ay qarsanayaan waji gabax, sababtoo ah,
dagaal waa sir, marka cidna kuma oraneyso 'waa la i jebiyaye waan baxay',
laakiin xaqiiqada halkan taalla waa in si xoog ah looga bixiyay.
BBC