Maxay Tahay Rajada Maraykanku Umuujiyay Somaliya?
Safiirka dawladda
Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa bogaadiyay hanaan ay dawladda soomaaliya u
maareysay kaydinta hubka.
Hadal uu ka jeediyay
shir looga hadlay maareynta hubka iyo rasaasta ayuu safiir Larry André ku
sheegay in hoeumarka ay dhinaca hubka ka sameysay dawladda Soomaaliya iyo
guulaha ay gaartay ay keeneen wax ka badalka lagu sameeyay cunaqabateynta hubka
Soomaaliya.
Larry ayaa yiri:
"Maamulka madaxweyne Xassan Sheekh ayaa qaaday talaabooyin wax ku ool ah, si uu
u xaqiijiyo hadaf lagama maarmaan ah.”
"Hadafka uu ka gun
gaaray maamulka aya waxa uu dhaxalsiiyay dawladda Soomaaliya in ay hesho
aqoonsi wayn, taas oo u gogol xaareysa in golaha ammaanka ee qaramada midoobay
in uu cunaqabateynta ka qaado Soomaaliya.”
Dhanka kale, safiirku
wuxuu sheegay in dawladda Maraykanka ay xaqiijin doonto sidii ay hub ugu heli
leheed ciidamada Soomaaliya eek u sugan furimaha dagaalka, si ay uga adkaadaan
al-Shabaab. Balse wuxuu ka dhawaajiyay in ay ka taxadari doonaan in hubkaasi
uusan gacanta u galin, gacan kale oo halis keeni karta.
Maxay ahaayeen caqabadihii
ku gudbanaa hubka Soomaaliya?
Mid kamid ah sababaha
ugu waawayn ee ay u jirtay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya ayaa ahayd ururka
al-Shabaab oo laga cabsi qabo hubka la keeno Soomaaliya uu ka dambeeyo
gacmaheedo. Sidoo kale ururkaan ayaa hubka qaar u badlaa walxaha qarxa ee ay ku
fuliyaan weeraradooda dhimashada badan sababa.
Sidoo kale arrinkaan
wuxuu saameeyay lacagaha soo gala gudaha Soomaaliya oo xanibaad iyo xakamayn
intaba lagu hayo.
Axmed Ciise Cawad
wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya wuxuu qaba in saameynta jiritaanka
al-Shabaab ay mar walba caqabad ku noqon doonto qaadista cunaqabataynta hubka.
"Inta Shabaab
waxyeeladoodu ay jirto, waxaa jiraya cunaqabatayn saaran [hubka iyo
maalyada]" ayuu yiri Cawad.
Tabadarada Soomaaliya
ee dhinaca dhismaha ciidamada iyo nidaam lagu kaydiyo laguna maamulo hubka ayaa
iyana ah caqabad kale oo Soomaali haysatay muddo dheer. arrinkaan ayaase ah kan
haatan uu safiirku ku amaanay dawladda Soomaaliya in ay wax wayn ka qabtay.
"Ciidamada
Soomaaliya, waa in ay yihiin ciidamo qaran, oo aysan ahayn ciidamo qabiil,
ciidamo iyagu hadhawdii dadkoodu waxyeeli kara" ayaa qabaa Cawad in ay
muhiim u tahay arrintaan.
Waxa kale oo ka
dhawaajiyay in ay muhiim tahay in ciidamadu ay awood u leeyihiin in ay hubinta
gacanta uu ku jirayo hubku oo ay ka ilaaliyaan inuu galo gacan shabaab ama mid
qabiil.
1992, ayaa Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu Soomaaliya ku soo rogay cunaqabatayn
loogaga jawaabayay colaadda sokeeye ee dalka halakeysay, taasoo sabab u ahayd
dadka tirada badan ee dhimanayay iyo burburka baahsan.
Hasayeeshee,
cunaqabatayntaas dhowr jeer ayaa la cusboonaysiiyay oo wax laga beddelay.
BBC