Saameynta Dhaqaale ee ka dhallanaysa xidhitaanka isu-socodka ganacsiga deegaanada Dhulbahante iyo kuwa Isaaq.

0
Thursday March 23, 2023 - 13:58:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameynta Dhaqaale ee ka dhallanaysa xidhitaanka isu-socodka ganacsiga deegaanada Dhulbahante iyo kuwa Isaaq.

    Waxaad haddaba hadda si dhab ah isu weydiinaysaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaad haddaba hadda si dhab ah isu weydiinaysaa


Waxgaradka, Odayaasha, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada magaalada Buuhoodle ayaa 20-03-2023 sheegay inay joojiyeen ganacasigii iyo baabuurtii ka imaan jirtay waqooyiga Soomaaliya "Maamulka Soomaaliland" iyo kuwii koonfurta ka imaan jiray ee mari jiray deegaanada Dhulbahante ee tegi jiray Burco, Hargaysa, Barbera iyo ilaa Boorama.


 Waxaa sida oo kale wada ognahay inay is taageen isu socodkii gaadiidka ee wadada dheer ee xidhiidhisa magaalooyinka Burco, Laascaanood ilaa Garoowe ee laamiga ahayd, dagaalka magaalada Laascaanood awegii. 

Haddaba qofka go'aankaa odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle ka soo baxay dhagaystay ama daawaday wuxuu markiiba is weydiinayaa, oo tolow maxaa ka dhalanaya baabuurtaas iyo isu socodka ganacsiga ee la joojiyey? Aan jawaab kugu filan ku siiyee, iga hoo. Tan iyo markii dowladii dhaxe ee Soomaaliya meesha ka baxday waxaa la burburay dhammaan kaabayaashii dhaqan dhaqaale ee dalka, ee fududeynayey isu socodka ganacsiga, badeecadaha iyo gadiidka oo cir, dhul iyo badba isugu jiray. 

Waxaa kale oo saameyn weyn ku yeeshay isu socodka ganacsiga ee gobolladda dalka is maamul hoosaadyada ka jira dalka oo iyagu noqday caqabad kale oo curyaamiyey dhaqaalaha iyo kor u socodka dakhliga maaliyadeed ee dalka, maadama aysan jirin cashuuro midaysan, qolo welibana xuduud u gaar ah ay sameysatay. 

Taasi waxay caqabad weyn ku noqotay isu gudubka ganacsiga iyo dadka ee deegaanada Soomaalida. Intaasi waa iga gogal dhige, haddii aan ku soo dhawaado mawduuceenna, waxaan cidna shaki kaga jirin in Soomaalidu qabaa'il iyo reero u degan tahay, qolo welibana Alle meel ku uumay. 

Dagaalka Sokeeye ee hadda ka socoda Laascaanood ee u dhaxeeya beesha Dhulbahante iyo beesha Isaaq oo duulaanka ku ah dhul istaarajiyadeedka Dhulbahante, waxa uu ku sii siqayaa oo ku baahayaa inuu noqdo dagaal dabadheeraada oo lagu riiqmo, bulshada iyo guud ahaan dadka labada dhinac ku sii kala fogaadaan, marka si dhab ah loo fiiriyo ficilada guracan iyo gabood falada uu wado maamulka Soomaliland ee ka dhan ah bulshada mandiqada SSC-Khaatumo. 

Sida aan ka wada warqabno xuduud qabiileed dheer ayaa u dhaxeeya labadan beelood oo ilaa Itoobiya ah, kaasi oo ah mid qarniyo fog soo jiray. Inta badan gaadiidka dhulka mara ee ka yimaada deegaanada beesha Isaaq ee u gudbaya Soomaaliya wuxuu maraa deegaanada Dhulbahante meeshu doonaba haka maree. Xuduudka dheer ee beesha Dhulbahante waxaa maalin walba ka gudba 10-naan gaadiidka waa weyn ee xamuulka daabula ah, kuwaas oo u qaybsama ilaa afar qaybood;

1. Baabuurta qudaarta daabusha gaar ahaana mooska iyo canbaha oo deegaanada Janaale, Kuntuwaaray, Qoryoolay, Walaweyn, Muqdisho iyo Afgooye ka qaada qudaar badan oo u gudubta dhinaca maamulka Soomaliland. Baaburtani sida maalin laha ah deeganadaa aan kor ku xusay waxaa ka baxa ilaa 10 baabuur uu qudaar keliya sida.

2. Baabuurta Xoolaha qaada, kuwaasi oo inta badan xoolaha ka daabula gobolada dhaxe gaar ahaan gobolka Hiiraan oo xoolaha ugu badan laga qaado, iyada oo laga dhoofinayo dekadda Barbera, xoolahana ayaana u badan Dibi iyo Adhi, waxay sidoo kale baaburtani mararka qaar qaadaan qudaar.

3. Baabuurta yaryar ee daabula dadka, baaburtani waxay inta badan isticmaalaan wadada dheer ee xidhiidhisa Laascaanood ilaa magaaloyinka maamulka Soomaaliland. Waana shirkaddo yaryar oo leh gaadiidyo kala duwan mid kastana wuxuu qaadaa ugu badnaan 20 qof, waxaana maalin walba wadadaasi ka gudba gadiid ka badan ilaa 60 baabuur oo rakaab sida, marka laga tago dadka kuwa iskood u wataan. Waxaana baaburtani dadka ka soo daabulaan ilaa Galkacayo, Boosaaso, Garowe. Waxayna inta badan ku nastaan oo shidaal iyo wixii kale ee daruuriyaad ah ka qaataan magaalada Burco oo ganacsateedu baaburtan ay dhaqaale buuran ka helaan. Sidoo kale magaalooyinka kale ee u socodaan oo Hargaysa iyo Wajaale ugu weyn yihiin ayaa dhaqaalo geyaan mida ganacsi, mid caafimaad, mid waxbarasho iwm.

4. Baabuurta Alaabta daabusha, waxaa jira baabuur daabula bagaashka iyo alaabaha kale ee caadiga ah oo ay ka mid yihiin dharka bundaadka ah, bagaashka, Biraha iyo matoorada, qalabka dhismaha, Saliid macsarada iyo alaaba kale oo daruuriyaad ah kuwaasi oo labadii cashaba ugu yaraan 3 baabuur oo waa weyn ay ka baxaan suuqa weyn ee Bakaaro ee magaalada Muqdisho.

Anigu si gooniya ayaan baaburtan ugu xidhnaa, waxaana ay ii qaadi jiren qalabka dhismaha sida kuwa biyaha, musuqulaha, jikooyinka iyo dhagaxa garaneedka la yidhaaho oo aan dhishamaha u isticmaalo. Dhammaan baburtaa waa weyn ee xamuulka daabula waxay dib u soo qaadaan alaab kala duwan oo ay ka soo qaadaan magaalooyinka Hargaysa iyo Barbera waxayna waxyaalaha ay soo qaadaan ugu badan Raashinka, Sharaabka iyo dawooyinka. 

Daawada inta ugu badan Soomaliya waxay ka soo gasho dadkadda Barbera, mar kaas ayey qaybaha kale ee dalka oo ilaa koonfurtu ku jirto u gudubtaa.

Waxaad haddaba hadda si dhab ah isu weydiinaysaa waxan oo baabuur ahi xaggee ayey maraan, ma waddo aan laamigaa dheer ahayn ayaa jirta. Haa, ee bal iyadana iga qabso. Baaburtani marka ay baxaan ee waxay laamiga kaga degaan oo dhinaca xuduud uga gudbaan magaalada Guriceel, qaarna waxay ka leexdaan Caabduwaaq, iyaga oo dhinaca xuduuda mara oo uga sii gudbaan deegaanada kore ee dowlad deegaanka. Baaburtani marka ay carro Dhulbahante tagaan waxay u qaybsamaan dhawr qaybood.


1. Qayb waxay martaa kor iyo galbeed oo waxay maraan Laandheer, Heegaale iyo Qararo iyaga oo deegaanada Isaaq kaga dhaca Balidhiig, kadibna Burco halkaa ka gala, qaar baa ka sii gudba oo Oodweyne ama Baligubadle Hargaysa ka soo gala.

2. Qayb kale waxay martaa waqooyi oo Buuhoodle ayey halkaa kaga dhacaan oo qori-lugud ayey ka gudbaan oo ay ka galaan deegaanada Isaaq, ama waxay maraan wadada Horufadhi, Ceegaag, Galjano, Yeyle waxayna laamiga ka qabsadaan Guumays.

3. Qayb kalena waxay martaa Domco, Balicad, Xamar-lagu xidh, Dandan, Banyaal iyo Horufadhi ayey ka gudbnaa oo laamiga waada-ma-goo ayey ka fuulaan.

Dhammaan gaadiidkaa waxaa lagu cashuuraa kastamo ay Soomaaliland leedahay oo deegaanadii ay xukumi jirtay Dhulbahante ee Laascaanood ugu weyneed aysan ka mid ahayn, waana deegaano beesha Isaaq leedahay sida Balidhiig, Caynabo, Kastamka Beer, Kastamka Oodweyne, Kastamka Qoryaale, Kastamka Baligubadle iyo qaar kale. Waxaana baaburta waa weyn ee qudaarta, alaabta ama xoolaha sida calaa gaadhi laga qaadaa lacag, celcelis ahaan dhan laba kun oo dollar (2,000$) halkii mar ee u gudbayo.

Wax kastamka Laascaanood, Guumays ama Yeyle oo Soomaaliland joogtay oo deegaan Dhulbahante ah, loogu cashuuri waayey waa in 1$ uu deegaanada Dhulbahante ku leexan oo ay deegaanadooda ku hormariyaan maamulka beesha Isaaq.

Baaburta Dhulbahante ee xoolaha qaada waxaa lagu cashuuraa Kastamka Beer, xaqu digadana waxay ku bixiyaan Barbera. Dhammaan baabuurta yaryar ee Rakaabka ah ee basaska loo yaqaano kii hal kartoon wada waxaa lagu cashuuraa Caynaba, waxaana dhammaan baaburta ka tagta deegaanada Dhulbahante ama soo mara lagu fatashaa oo lagu baadhaa Caynaba, oo wixii ay alaab ay sidaan waa kootarabaan ay tahay inuusan soo gelin Soomaaliland si loo curyaamiyo dhaqaalaha, xitaa Jaadka lama ogola. Haddaba haddii waxaas oo baabuur oo xuduudka beesha Dhulbahante ka gudbaysa la joojiyo, waxaa Soomaaliland laga dareemi doonaa sicir barar, dhaqaale xumo, nolosha oo adkaata. 


Waxayna curyaaminaysaa dhaqaalaha Soomaaliland oo lacag adag ka heli jirtay baaburtan iyo badeecooyinka waddooyinkaasi isaga gudbi jiray. Arrinta waxgaradka Buuhoodle soo jeediyeen waa arrin bogaadin mudan, waana in lagu taageeraa oo lagu garab galaa sidii ay u hirgeli lahayd. Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliland tolow arrimaha uu shalay kala hadlay waxgaradka Buuhoodle ma ku jirtaa arrinta ah in isu socodka ganacsiga ee wadaadaas in aan la xidhin, Mooji, Mooji!!!!!


Eng. Maxamed Cabdicasiis Cali Jidaal
Loading...
Loading...