Sheekadii Kabo Calaf

0
Thursday March 23, 2023 - 11:52:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekadii Kabo Calaf

    Subixii inuu geela lafoofo iyo habeenkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Subixii inuu geela lafoofo iyo habeenkii



Kabocalaf waxa uu ahaa baa LA yidhi nin aan joog iyo jamaal badan lahayn oo aragiisu liito muuqaal ahaana laga qurux badanyahya.


Cago balbalaadhan oo gaagaaban oo kuwa geela uegna leh, gugiisii ayaa siyaaday oo wuxu noqday guun aan weligii bilcamin.



Wuxu go'doon ka noqday oo ka takoormay goleyaashii iyo ardaayaadii haasaawaha iyo kaftan ee dhalintu hablo iyo inamadu ku caweynjireen.


Subixii inuu geela lafoofo iyo habeenkii oo uu golaha geela dhinaca dhigo waxba ugama dhexeeyaan, wuxuna wehel ka dhigtay raamsiga iyo Calanaqsiga geela.


Waxase jiray wiil ay ilmo adeer ahaayeen oo joog iyo jamaal eebbe ku galaday, wuxu ahaa aftahan belaayo ah oo afka waxloogu tray, xarago badan, haasaawahana malab loogu daadshay halka uu cabocalaf ahaa afgarooc.


Wuxu ninkii kale gabdho la haasaawoba wuxu gaaf uguureeyoba wuxu bilis raadiyo waxay sheekadii Isla afgarteen gashaanti haween oo mudh ubaxday oo joog iyo Jamaal La tiicaysa.


Dabadeed guur iyo gurigalbaa Lagu heshiiyey waa inoo caawa iyo Geedkaas baa Lagu Kala tegey.

Wiilkii wuxu uyimi inaadeerkii Cabacalaf wuxuna ku yidhi " inaadeer gabadhbanu soo heshiineyoo aan Caawa kaxaysanayaa ee ila kexee maadaama dhaqanka soomaalida ee miyigu yahay in wiilka gabadh La mooraduugayo cidi La kaxayso.


Hagaag buu yidhi kabacalaf...

Gabadha waa La masaafaynayaa.


Masaafaynta waxa looga jeedaa in inanta laga fogeeyo kobta uu weligeedu joogo loona geeyo wadaad meelkale ku meheriya arintani diinta sal kuma laha waase dhaqan soomaaliyeed oo sirgaxan.


Habeenkii caweys dambe markii xoolaha lamaalay, xidigtii maqala xidhxidhuna dhacday Lana Kala seexday ayay inantii faryarobidix kasoo baxday oo geedkii balantu ahayd isasoo malluugtay, waxana ku sugayey oo meesha beerdhigaaleynayey aroosmaaganihii iyo ina aderkii kabocalaf.

In lawadijirayba La is hel..


Waala dhaqaajiyey oo fadalkaa lawada guray, habeenkii oodhan foolbaa Loosii jeeday, waa dayax niidhi ah oo dharaar waxba uma qabo oo toobiye hallaasiya ayay captain saareen sheekadana waa lawada dhubadqaadayaa.


Si socodka dheer la isu ilowsiiyo waa la kaftamayaa la is-haasaawe gaasirayaa, la isbilkeedayaa la isu duurxulayaa oo irmaanta la isqadayaa xaawalaydana waa la xifaalaynayaa si loo gunraaco dulqaadkeeda, aqoonteeda, kartideeda iyo aftahanimadeeda.


Iyadu (inantu) ma hadalbada oo erey Fandhaal lagaga soo qufay afkeeda mooyaane Midvale afkeeda kamasoo baxo.


Kabocalaf laftiisu wuu hadal yaryahay kana odhaah urursanyahay halyeyga inanta lasoo baxay oo ah nin yalqan Daldalan badan oo hadba meel isku taaraya wuu tookhayaa, faanayaa oo baanayaa lamase oga waxa ugasii hooseeya kabocalafse wuu ka dareen qabaa in saaxiibkii aanu sidaa usiii ridneyn oo garashada iyo garaadkaba maangaab ka yahay waayo waa rag tan iyo dhallaanimadoodii isasoo agtaagnaa.


Nin iyo geed markii Lakala gartay ee waagu galalac yidhi ayaa laga dhamaaday dhulkii habheebta (Khatarta) badnaa ee gabadha oosheedu degaan ahaan soo joogtey.


Arladau haatan waxay umuuqataa mid Ammaan ah. Iminka xawaarihii socodka ayaa la dhimayaa daalka waxa udheer safradii aroornimo iyo haraadka ka dhashay dhulka oomanaha ah ee ay soo mareen wax sahay ahna ma sitaan oo wey faromadhnaayeen. Xoogaa markii markii la sii kalahay kibdhaduna dhulka kasoo baxday welina aanay carcartii kuleylkeeda galka kasoo siibin ayay inantii Yara heetinaysaa oo inamadii oo Yara faano horeeya ku odhaneysaa


" waaryaadheheen miyeynaan afka wax ku dhufanayn si ay safradu inooga jabto"


Sowyaab iyo amankaag maaha hadda wax sahay ah ma sitaan Kabo biyo ahna alle haka yeelee hayeeshee waxbay damacsantahay horaana looyidhi sir haween Lagama salgaadho.

Bal wax dhowr.


Ilasoco Qaybta Labaad 


Qore: Faarah Mohamed Aided

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...