Golaha guurtida muxuu dalka u qabtaa ?

0
Thursday March 23, 2023 - 10:49:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha guurtida muxuu dalka u qabtaa ?

    Mise waa gole siyaasadeed?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mise waa gole siyaasadeed?



Golaha guurtida horta yuu metelaa oo kuraasida ugu fadhiyaan?

Ma gole qabaa'iilka ka wakiil ah baa ?


Mise waa gole shacabku leeyahay oo sharci dejinta ka mid ah ?

Mise waa gole xukuumada iyo madaxweynaha u shaqeeya oo meesha u fadhiya?

Mise waa gole isagu isdoorta oo aan cidi dooran oo dhaxal ah ?

Waana maxay sharciyada uu meesha ku fadhiyaan?



Mise waa gole siyaasadeed?

Mise waa gole axsaabta u dhexeeya oo la soo doortay ?

 

Su'aalahan iyo qaar kale oo badan ayaa shacabku isweydiinayaan, oo u baahan in la qayaxo oo wax layska waydiiyo , ujeedadii loo sameeyay maxay ahayd?


Waxa loo baahan yahay in shaqadiisa wax laga ogaado .

Waxa loo baahan yahay in la ogaado in loo baahan yahay in uu sii jiro golahanu iyo sidii uu u sii jiri lahaa

Iyo qaabka uu u sii jiri doono .


 

Waa in doodo cilmiyaysan laga sameeyaa shaqada golaha guurtida in loo baahan yahay iyo in kale?

 

 

Golaha guurtida waxa loo sameeyay in uu arimaha nabadgelyada iyo khilaafaadka xaliyo.


Laakiin maanta waxa uu noqday gole khilaafaad ka siyaasadeed abuura oo shaqadiisu noqotay muddo kordhin iyo sharci jebin. ( muddo kordhin madaxweyne iyo golayaasha dalka) .


 

Waxa loo baahan yahay in uu noqdo gole sharci ku fadhiya oo shuruuc leh oo la soo doorto oo xisbiyada oo dhami ka dhex muuqdaan .

Waana in uu ku shaqeeyo nidaamka Dimuqraadiyada ah oo aanu noqon gole madaxweynaha u afduuban oo isaga u shaqeeya ama dano gaar ah cidi ku fushato.


 

Shacabka somaliland waxy baahan yihiin in ay ogaadaan in golahan guurtida dalku u baahan yahay iyo in kale?

Su'aalahan iyo qaar kale oo badan ayay shacabku u baahan yihiin in looga jawaabo .

 

Maalin kasta iyada oo ay dhibaato iyo khilaaf iyo nabadgelyo daro jirta ,

ayay fasax isaga baxayaaniyo dalxiis .


 

Hadaba maxaa faa'iido ah ee ay dalka u soo kordhinayaan ee ay u qabtaan?

Sanadkiina waxay mushahaaro dalka uga qaataan lacag saddex milyan iyo badh Dollarka maraykanka ah .

 

Hadaba golaha guurtida muxuu dalka u qabtaa ee ugu filan yahay?


 

 

 

 

Cali Maxamed Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...